Postby The_Emperior5 » Fri Sep 12, 2008 9:03 am
Ciidamadii Buuhoodle laga qaaday oo dib u soo laabtay
Wednesday, September 10, 2008 - 06:51 PM
Ciidankii Buuhoodle laga qaaday labo casho ka hor oo dib ugu soo laabtaya magaalada Buuhoodle galabta..
War deg deg ah oo aanu ka helnay magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in ciidankan oo loo qaaday tababar magaalada Shiikh ay caawa fiidkii ku soo laabteen magaalada Buuhoodle.
Qaar ka mid ah ciidankaas oo Xargaga online weydiisey sababta ay u soo laabteen ayaa u sheegay XOL in la filayey ciidamadani inay soo qaataan wixii qalab milatery ah sida hubkoodii oo u dhan.
Maleeshiyaadkan ayaan inaba wadan wax hub ah sida qoryaha AK47 iyo wixii la mid ah ,ka dibna ay arinkaas saluugeen saraakiishii goobta ee ciidanka Somaliland ee magaalada shiikh.
Maleeshiyaadkan oo galabta lagu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle loona sameeyey afur ayaa hada sida la filayo ku kala noqon doona beelohoodii.
Wixii war ah ee ka soo siyaada arinkan gadaala ayaanu idnkala soo socod siin doonaa.
this is one anti somaliland website anti isaaq website
xargaga.com
read it what it says there are lots of police somaliland forces in buhuudle