Maxkamad Islaami oo lagu wado markii ugu horeysay in maanta looga dhawaaqo degmada Baardheere ee gobolka Gedo
Waxaa maanta lagu wadaa in maxkamad Islaami ah looga dhawaaqo degmada Baardheere ee gobolka Gedo, sida uu sheegay guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee gobolka Gedo Sheekh Maxamed Muxumed Ismaaciil.
Ku dhawaaqidda maxkamadda maanta lagu wado in looga dhawaaqo degmada Baardheere ayaa ka dambeysay kulamo maalintii shalay degmada Baardheere ku dhex maray odayaasha dhaqanka, culimaaudiinka iyo waxgaradka gobolka Gedo iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Islaamiga ah ee gobolka Gedo.
Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee gobolka Gedo Sheekh Maxamed Muxumed Ismaaciil oo isagoo ku sugan Degmada Baardheere la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in kulankaasi oo soo gabagaboobay shalay gelinkii dambe ay iskula af garteen dhammaan waxyaabihii looga hadlay.
Guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah ee gobolka Gedo ayaa sheegay in kulankaasi uu ku saabsanaa dadaallada lagu sugayo amniga iyo qorshaha dhisidda Maxkamad Islaami ah oo degmada Baardheere, wuxuuna intaasi ku daray in odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada Baardheere ay ka codsadeen inay taageeraan dadaallada mujaahidiinta ee ku aaddan sugidda amniga iyo la dagaallanka cadowga ummadda Soomaaliyeed.
Sheekh Maxamed Muxumed Ismaaciil oo ah guddoomiyaha maamulka Islaamiga oo la waydiiyay in dhisidda maxkamadda ay ku kooban tahay oo kaliya degmada Baardheere ayaa sheegay inay qorsheynayaan in dhammaan degmooyinka gobolka Gedo ay ka dhisamayaan maxkamado Islaami ah, isagoo ka codsaday dhammaan dadka ku dhaqan deegaanadaasi inay ka tanaasulaan oo ay qalbigooda ka saaraan la shaqeynta iyo jacaylka ay u qabaan cadowga Alle iyo kuwa la shaqeeya, waa sida uu hadalka u dhigaye
Cabdishakuur Cilmi Xasan
cabdishakuur48@live.com