Sheekh (Somalilandpress) Boqorlka Wadanka Kuwait ayaa dhisme lagu qiyaasay inuu ku kacayo lacag dhan 3 Milyan oo Dollarka Maraykanka ka hir-gelinaya Magaalada Sheekh. Dhulka dhismahan laga binnaynayo ayaa waxa uu magaalada ka xiga dhinaca Bari ee Jidka Laamiga Burco taga, waxaana cabbir ahaan lagu qiyaasay 5M oo isku-weer ah.
Dhismeyaasha Fooqaq u badan ayaa hada ka socda, waxaana sida ay noo sheegeen Injineerada Fulinaya Dhismahani, waxa loogu talo-galay inuu Boqorku Dalxiis ku yimaado marka uu fasax yahay. Waxaa laga qodayaa oo hada Socda Riig, waxaana aan indhahayga ku soo aragnay Madaar loogu-tala-galay inay ka soo degto Diyaaradda Kaaska ah ee Mulkiilaha Dhismahan waa Boqorka Kuwait'e.
Dhismahan Shirkadda Qandaraastay ee dhisaysa iyo shaqaalaheedu waa kuwo wadanka u dhashay. Taasoo macno ahaan noqonayso inay lacagtani faa'iido wayn oo dhinaca dhaqaalaha wadanka, gaar ahaan deegaanka Sheekh u soo kordhay.






