Col Hiiraale iyo ciidan uu wato ayaa soo gaaray degmada B/xaawo iyo Buurdhuubo
Col Barre Aadan Shire Hiiraale oo wata ciidamo si aad ah u hubaysan ayaa soo gaaray degmada B/xaawo oo ay ku sugan yihiin ciidamo isaga taabacsanaa. Col Hiiraale oo beryahanba ku sugnaa degmada Doolow ee G/Gedo ayaa ciidamo farabadan ku uruursanayey beryahanba deegaankaas.
Kooxaha Al-shabaab oo ku sugnaa degmooyin badan oo gobolka Gedo ah ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar garow ugu jiraan inay iska caabiyaan Col Hiiraale oo ay xoojinayaan ciidamo Itoobiyaan ah.
Degmooyinka Buurdhuubo, Ceel-waaq, G/haarey iyo B/dheere ayey kooxahani gacanta u gashay ka dib markii ay kala eryeen maamuladii halkaa ka dhisnaa. Ciidamo kale oo amar qaata Hiiraale ayaa iyaguna gaaray Koonfurta degmada B/xaawo iyo Buurdhuubo halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
Wax iska caabin ah halkaasi kama aysan dhicin, laakiin ciidamada halkaas gaarey waxay sheegayaan in Al-shabaab ay halkaas isaga huleeleen iyagoo aanan wax iska caabin ah muujinin.
Lama garanayo sababta xiligaan ay ciidamada Itoobiya ay hawlgallo ugu fulinayaan gudaha Soomaliya iyadoo ay ka baxayaan goobihii ay ku sugnaayeen dhamaan wadanka Soomaliya.
Magaalada B/dheere ayaa xiisadeedu maanta kacsanayd. lama garanayo in Col Hiiraale halka uu u sii ruqaansan doono.
Gedoweb newsdesk
http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... e&sid=1168