Moderators: Moderators, Junior Moderators








The_Patriot wrote:yeah but we dont see mutilated bodies scattered what actualy we see is dead corpses with intact body parts.


Nin Darawal ah oo kashifay wixii maanta ka dhacay wadada Shaqaalaha ee lagu gumaaday shacabka
Nin darawal ah oo ka shaqeeya wadada Makka Al-Mukarrama gaadidka ka howlgala ayaa u sheegay Idaacad kamid ah kuwa Muqdisho tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan arrinta sida aadka ah loogu wareersan yahay ee ah wixii maanta ka dhacay wadada shaqaalaha halkaasi oo ay ku qudhbaxeen in ka badan 10 qof oo rayid ah.
Ninkaasi wuxu caawa ka sheegay Idaacadaasi in isagu uu kamid ahaa dadki markii ugu horeysay goobta musiibadu ka dhacday gaaray isla markaana ay soo qasbeen si xoog ahna kusoo wadeen Cidamo katirsan dawladda waqti uu doonayay in gaarigiisa uu la baxsado markii dadkii saarnaa ay ka kala yaaceen.
Goobta markii uu tagay ayu sheegay in uu indhihisa ku arkay dhamaan dadki meydadka ahaa ee gaariga rayidka ku dhamaaday kuwaasi oo uu sheegay wax qarax ah in uusan saameyn isla markaana baabuurka halka uu ku qaxray ay aheyd meel aad kaga fog halkii gaariga BL-ka lagu dhibaateeyay.
Waxaa uu sheegay ninkaasi darawalka ah isagu in uu soo qaaday qaar kamid ah dadki dhaawacmay isla markaana uu caddeynayo in dadkaasi rayidka ah ay wax ku noqdeen rasaas xoog badan oo ay 4-ta jiho u fureen ciidamada AMISOM markii qaraxu dhacay.
Meydadka dadkii la arkay ee warbaahinta qaar soo sawirtay ayaa waxaa jirkooda ka muuqday dhiig iyadoona aaan la arkin dad gubtay sida qaraxyadii hore ay ahayeen ama jirkooda kala go'ay,waxaana ay Idaacadda BBC-da galabta sheegtay in ay heshay warar sheegaya in qaraxa gaariga uu qabsaday baabuurta AMISOM.
Masuuliyin katirsan dawladda KMG ah ayaa iyagu sheegay in gaariga BL-ka uu ku qarxay gaariga Miineysnaa laakin dad badan ayaa sheegaya in gaarigaasi lasoo sawiray aysan ka muuqanin wax astaan qaraxa uu ku reebtay.
Madaxa Xafiiska Shabakadda Markacadey.net,Muqdisho.





Return to “General - General Discussions”
Users browsing this forum: No registered users and 30 guests