Shiikh Shariif oo soo bandhigay wax qabashadiisa hadii hogaanka dalka loo doorto.
Posted: 1/27/2009 1:59:00 PM
Shabelle: JABUUTI
Gudoomiyaha isbeheysiga dib u xoreeynta garabka Jabuuti Shiikh Shariif ayaa sheegay in hadii uu ku guuleysto hogaanka Dalka uu la heshiin doono wadamada Dersika la ah Soomaaliya isla markana uu qarameyn doono koxaha hubeysan ee Daadsan gudaha dalka.
Isagoo wareeysi siinayay wakaalada wararka ee Reuters Gudoomiyaha isbeheysiga dib u xoreeynta garabka Jabuuti Shiikh
Shariif ayaa waxaa uu sheegay in cid waliba oo dano siyaasada leh iyo xoogaga Muqaawamada ee dagaalada weli ka wada Soomaaliya uu la hadli doono si xal loogu helo dhibaatada Soomaaliya isla markana uu la heshiinayo dowlada Ethiopia.
Sheikh Shariif waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la hor mariyo xiriirada u dhexeeya wadamada deriska ah isla markana la dhameeyo muranka u dhexeeya Soomaalida iyo Ethiopian-ka.
Waxaa uu sheegay in arintaasi ay gacan weyn ka gesan doonto sidii loo hor marin lahaa danaha gobolka isla markaana faqriga gobolka ka taagan ay sii hurinayaan colaadaha iyo qalalaasaha sii soconaya taasi oo uu tilmaamay in ay muhiim tahay in la cirib tiro.
Sheikh Shariif waxaa uu sheegay in dhamaan umadda Soomaaliyeed uu ka doonayo in nabad la helo isla markana cid kasta oo dano siyaasadeed leh iyo weliba fikri diineed in uu isku dayi doono in uu ka dhaadhiciyo sidii ay uga shaqeeyn lahaayeen danaha qaranka oo dhibaatooyinka laga boxo.
Waxaa uu sheegay in xoogaga muqaawamada ay dagaalka u galeen in ay dalka ka saaraan ciidamada Ethiopia isla markna ciidamadaasi ay dalka ka bexeen mana jirto ayuu yiri cid dooneeysa in dagaalka uu sii socdo ama dad aan waxba galabsa loo dilo sabab la’aan.
Sheikh Shariif waxaa uu sheegay in xoogaga Muqwaamada uu ka doonayo in miiska wada hadalka ay yimaadaan si loo dhameeyo mushaakilka ka taagan dalka Soomaaliya isla markana dib loo dhiso caasimada,loona soo celiyo adeegyadii caafimaadka,waxbarashada si dalka uu nabad iyo kala danbey u helo isla markana dadkii barakacay fursad loo siiyo in ay dib ugu soo laabtaa aqaladoodii.
Gudoomiyaha isbeheysiga dib u xoreeynta garabka Jabuuti waxaa uu sheegay in dadka weli aaminsan dagaalada in uu isku dayi doono in uu fahmo ajandahooda oo uu la hadli doono.
Aritna labaad ayuu ku sheegay in diinta ay tahay isla marknaa uu diyaar u yahay in la dhameeyo muhiimna ay tahay in laga baxo dhibaatada uu dalka haatan ku jiro,isla markana uu isku dayi doono in la qarameeyo ciidamada muqaawamada ama milatryigii hore ee Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayay maleeshiyaadka waxaa uu sheegay in wiilka Soomaaliya uusan ku dhalana xaalada uu haatan ku jiro isla markana uu noqon karo askari qaran qof waliba oo Soomaaliyeedna uu noqon karo sarkaal ka mid ah ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Ugu danbeeyntii waxaa uu sheikh shariif Gudoomiyaha isbeheysiga dib u xoreeynta garabka Jabuuti sheegay in ay jiraan shaqsiyaad siyaasado gaar ah wata isla markana doonaya in magaca dalka iyo dadka Soomaaliya in ay haleeyaan taasina laga gudbi doono goor dhow kuwaasi oo uusan tilmaamin.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
Shabelle Media Network - Source of Somalia News