Warka naga soo gaadhaya Gobalka Dhagaxbuur ayaa sheegaya in ay istaageen Dagaaladii Cuslaa ee Mudada Shanta Cishaa ka socday aaga dhaxbuur, intoodii badnayd. Dagaaladan oo ahaa kuwo ay qaadeen Xoogaga xaqlayaasha ONLF qaybta duufaan kuna qaadeen Ciidan habqan ah oo kasoo hadhay ciidankii bishii hore qaybta Gorgor kusoo jabisay galbeedka Ogaadeenya.
Dagaalkan oo socday mudo laba cishaa ayaa gabi ahaanba lagu dur duriyay ciidanka tabarta darran ee Woyanaha dadka ku ag dhaw aagaga dagaaladu saameyeen ayaa noo sheegay in markii ugu horaysay arkeen ciidamada woyanaha oo dadka ku baryaya in ay bakhtigooda soo aasaan.
Magaalada Dhagaxbuur ayaysan jirin wax gurmad ah oo kabaxayaa Marka laga reebo Diyaarado Kolla kacaya kolna soo dagaya diyaaradahan oo ilaa iyo hadda aanan naloo sheegin wax khasaaro ah oo ay gaysteen.
Si kastaba ha ahaatee Dadka S/Ogaadeenya ayaa si wayn ugu diirsaday jabka loogaystay ciidankii woyanaha ee bishii hore Gorgor kusoo jabisay Galbeedka Fog ee Ogaadeenay
Shacabka S/Ogaadeenya iyo Caalamka ayaa Ku xasuusta Qaybta Duufaan ee ONLF Dagaalkii Cobolle ee ay ku difaacayeen khayraadkii iyo hantidii umadda S/Ogaadeenya.
Dufaan/Dhagaxbuur






