Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay January 25, 2009 si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u ordayo jagada madaxweyne-nimada Soomaaliya mudane Inj. Cabdikarim Gelle Bayr oo ah aqoon yahan Soomaaliyeed wax ku bartay kuna nool dalka USA. Mudane Cabdi karim ayaa waxuu wax kusoo bartay Jaamacadaha George Washington, George Mason iyo Strayer, balse ka qaatay shahaadada BS and Masters Degree Strayer University oo dhamaantood ku yaala dalka USA.
Haddaba ayada oo ay badan yihiin wax yaabaha xiligaan ku dhaliyay mudane Cabdikarin in uu u ordo madaxweyne-nimada Soomaaliya ayaa waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah hadafka iyo ujeedada guud ee uu ka duulayo ee aas-aaska u noqon kara doonidiisa la xariirta noqoshada madaxweynaha mustaqbalka ee Soomaaliya.
Waxa igu dhaliyay in aan u ordo Madaxweynaha Soomaaliya ee xiligaan:
* Ka dib, markii aan muddo dheer ku fakaraayey kana fiirsanaayey in aan xalwaara u abuuro dalka iyo dadke Soomaaliyeed, soona celiyo masawirkii dalku ku lahaa dunida caalamka aana ku hanweeynahay in aan qabankaro howshaas lixaadka leh, la igulana talinaayey in badan gudo iyo dibadba in aan isu taago jagada Madaxweeynaha Soomaaliya, waan aqbaley!.
* Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 01/24/2009, waxaan u tartamayaa jagada Madaxweeynaha Soomaaliya, taasoo lagu doorandoono dhawaan dalka walaalaheen ee Djabuti.
* Qorshahayga wax qabadka: Waxaan ka hor sheegi doonaa walaalaha ummadda Soomaaliyeed u soo doorato baarlamaanka cusub iyo ergooyinka dunida caalamka fadhigooda.
* Waxbarashadeyda: Waa labo Masters Degree oo mid tahay Maamulka iyo hogaaminta, midna tahay teknolojiyada casriga ah ee loo yaqaan computer engineering oo aan labadaba khibrad dheer u leeyahay.
* Shaqada hadda aan hayo: Waa waxbarashada iyo hor’umarinta teknolojiyada casriga ah ee shaqaalaha Dowlada Mareykanka ee Federaalka ah.
* Waxaan ku hanweynahay in aan ku guuleeysan doono jagada Madaxweeynaha Soomaaliya.
Mahadsanidin walaaleyaal.
Inj. Cabdikarim Gelle Bayr, USA.
http://www.allgedo.com/Galged/musharaxa ... 20news.htm



