Wariyaha jiida hore uga soo warama wakaaladda ONA ayaa noo soo wariyay in dagaala badan ay ka socdaan gudaha
Ogadenya. Dagaaladan oo CWXO(ONLF) uu si qorshaysan u wado ayaa ciidanka gumaysiga jab laxaad leh oo dhimasho iyo dhaawacba leh loogu gaystay.
Laga bilaabo 4tii bishan Janaayo ilaa 23kii waxaa dhacay ugu yaraan 12 dagaal oo culus oo cadawga jab weyn loogu gaystay. Inta la hubo waxaa kaga dhintay cadawga dagaaladaa 125 ay ku jiraan saraakiil iyo saraakiil xigeen. Dhaawac tirabadan ayaa iyadana jira oo dayaaradaha qumaatiga u kaca lagu daadgureeeyey.
Sidii caadada u ahayd wuxuu cadawga dhibaato isugu jirta dil, dhac iyo xadhig u gaystay dadweynaha aan waxba galabsan isagoo kaga aargoosanaya jabka soo gaaraya ciidankiisa.
Faafaahinta wararkan waxaad ka dhagaysan doontaan idaacadaheena
ONA




