Written by dhamac
Tuesday, 03 February 2009
Gumaysiga Tigreega iyo Dabaqoodhi Cabdi Ilay oo Maalmahan Cadaadis dar-dar cusub ah ku haya shacabka Magaalada Dhagaxbuur iyo Dagmooyinka hoos yimaadaba.
Shacabka oo markoodii horaba cadaadis saarnaa ayaa hadana sida lagu yaqaan Maxaysatada Tigreega marka ay Xogaga ONLF Dagaal ku soo jabiyaanba jabka soo gaadha kula dul dhaca shacabka aan hubaysnayn ficilkan fulaynimadaa ayay Woyanuhu caan ku yihiin.
Kadib Dagaaladii 5cisho kasocday Tuulada Baarta ilaa Dig iyo dhulka Dayr looyaqaan oo dhan oo dhamaantood si xun loogu soo jabiyay ayay cadhadii shacabka kula dhaceen.
Dabaqoodhi Cabdi Iley iyo Horjogayaasha Woyanaha ayaa hanjabaad dadka kula kaceen ku sheegay in hadda kadib Qofkii inuu Taageero loo maleeyo ONLF in meesha uu taaganyahay lagu Toogan oo aan la xidhaynba waa sida ay hadalka u dhigeene sidoo kale Guryahooda lala wareegi ama la Dun-dumin iyagoo durbadiiba ilaa iyo 20 Guri dadkii lahaa oo Dagan Bililiqo ay ku bilaabeen Dabaqoodhigii iyo Tigreegii oo Isla Socda, guryahan la boobay ayaa kamid noqon doona guryo badan oo ay hore ula wareegeen Tigreegu kuwaan oo inta badan Tigreegu degaan ka samaysteen guryahan ayaa ubadan kuwo dadka Dibada kunooli ay dhisteen si ay umaalgashadaan Dhulkooda Hooyo dadka ay guryaha ay ka bililqaysteen oo aan qaarkood la xidhiidhnay ayaa noogu jawaabay “Dhulka ma Maqale ayay gayn oo ay ula guuri”.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in aan wax Mushahar ah lasiinayn shaqaalaha Dhagaxbuur ee Kilil ku sheega ushaqayn jiray ilaa ay Hubkii ONLF qabsatay ay kasoo celiyaan oo ay Jabhadda ONLF-na ka saaraan Gobalka Dhagaxbuur waa sida ay hanjabaada u dhigeene, qaar kamid ah shaqaalaha oo aan la xidhiidhnay waydiinayna in ay ONLF la soo dagaalami iyo inkale ayaa noogu jawaabay “adeer yaa naftiisa ku khamaari” hadalkan oo ah inta badan xaqiiqada waayo Ciidankii Gumaysiga Tigreega ee difaaca loogu talo galay ayaa maalin walba lasoo jabiyaa.
Dabaqoodhi Cabi Iley iyo Da’ud Axmaar ayaa loolan adag kujira oo uu Midba midka kale rabaa inuu ka takhaluso waxayna guushu raaci kii Gumaysiga Woyanaha ka dhaadhicaya inuu yahay Dabaqoodhiga sanadka iska dhaadhicinta Tigreega ayaa ah kolba ninkii aad u Ciqaaba shacabka S/Ogaadenya oo ka dhiga wax ladilo ama la xidho amaba la kufsado, xurguftan labadan Dabaqoodhi ka dhaxaysa ayaa xitaa intii la shaqaysan jirtay ka dhigtay kuwo la jirdilo islamarkaana la xidho iyo kuwo dalkaba ka cararay oo nin walbaa meeshuu u carari karayay u baxsaday wakhtigan lagu jirana xaalku wuxuu marayaa in xitaa Masaajidii la isugu galo.
Isku soo duubo Xoogaga ONLF oo ku tiirsan shacabka geesigaa ee S/Ogaadeenya ayaa iyagu wacad ku maray sidii ay heeryada Gumaysiga isaga dulqaadi lahaayeen shakhsi walba oo umadda S/Ogaadeenya danbi ka galayna u abaal marin lahaayeen.
Dufaan/Dhagaxbuur
short summary
after loosing a 5 day battle with ONLF force's in and around dhagaxbuur,the habash force's and their somali lackeys have descended on the populace of dhagaxbuur announcing that they will from now"shoot" anyone suspected of supporting the O.N.L.F or confiscate or demolish their home's.the occupation force's have already confiscated 20 home's in dhagaxbuur predominately owned by memeber's of the diaspora,one man who was contacted about the loss of his home gave this swift answer"will they take our land and relocate it to maqala(tigre central)"




