Beesha Sade oo lagu qanciyay in ay qaataan 4 Ministerial post iyo Xildhibaanada dowladda KMG ah ee ku sugan magaalada Jabuuti oo la siinayo 2 todobaad oo fasax ah
Jabuuti, Jabuuti (AOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jabuuti ayaa waxay sheegayaan in beesha Sade oo horay uga biyo diiday 1 Wasiir oo ay u heshay qeyb dowladdii lagu soo dhisay magaalada Jabuuti ayaa hadda waxaa lagu qanciyay in ay qaataan 4 Ministerial Post oo kala ah: 2 Wasiir, 2 wasiir-ku-xigeeno, iyo Wasiiru-dowlaha dowladda KMG ah.
Sida la sheegay mas'uuliyiintii beesha Sade ee ku sugnaa magaalada Jabuuti ayaa si uu taxadir ka muuqdo usoo dhaweeyay talaabada cusub ee ay dowladda KMG ah iyo beesha caalamkaba ugu kordhiyeen jagooyinka cusub, ayada oo dhanka kalena uu weli buuq ka taagan yahay qaabkii foosha xumaa ee cadaaladda ka fogaa ee ay dowladda KMG ah u maamushay jagooyinkii lagu qeybinayay magaalada Jabuuti.
Mas'uuliyiinta beesha Sade ka jooga magaalada Jabuuti ayaa la filayaa in ay ilaa maalinta beri ah qeybsadaan 3-da jago ee cusub halka jagada afaraadna uu qaadan doono wasiirkii horay booskaas u diiday in uu qaato ilaa beeshiisa laga qanciyo. Kaddib markii ay jagooyinkaas cusub qeybsadaan, xubnaha beesha Sade ee Jabuuti ku sugan ayaa la filayaa in ay socdaal xog-aruursi iyo la tashi ah usoo aadaan deegaanka ay kasoo jeedaan oo ah gobolka Gedo.
Beesha Sade oo iyadu lagu tilmaamo in ay tahay beel nabadda iyo midnimada Soomaaliyeed jecel ayaa waxaa 19-kii sano ee lasoo dhaafay kaga imaanayay maamuladii ka danbeeyay dowladdii Siyaad Barre cadaadis xoog leh oo aan ujeedo iyo feker toosan toona ku fadhiyin.
Dhanka kalena, wararka aanu ka heleyno Jabuuti ayaa waxaa kale oo ay sheegayaan in xildhbaanada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee hadda ku sugan Jabuuti la siinayo 2 todobaad oo fasax ah oo ay ku nastaan.
Lama oga markii uu fasaxa u dhamaado xildhibaanadaasi halka ay qaban doonaan, balse waxaa la saadaalinayaa in ay u jiheysan doonaan magaalada Muqdisho oo qudheeda aanay nabad gelyadeeda hagaagsaneyn.
Allgedo News Desk.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com