
--------------------------------------------------------------------------------
Bosaaso:- Waxa Habeenkii xalay ahaa dadka Warbaahinta laga tusay Sanaadiiq waa wayn oo la sheegay in ay tahay Warshadii Lacagta Faalisada ah taasi oo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland ay sheegeen in loo dhoofiyay Dalka Isu taga Emart-ka Carabta, Laakiin Shacabka Pl ayaan wali Rumaysnayn in Sanaadiiqaasi yihiin Qalabkii Warshada.
Kuteendharo aan si Buuxda loo shaacin waxa Gudaha ku Jira ayaa Maamulka Puntland Habeen xalay ahaa ka dhoofiyay Dekeda Bosaaso kuwaasi oo Markab u saaray Dalka Cumaan, lama Yaqaan Waxa gudaha ugu jiray Balse, Wasiir ku xigeenka Dekedaha Puntland oo saxaafada kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay inay waxa la dhoofiyay tahay Warshadii Lacagta soo saari Jirtay.
Wasiir ku xigeenka Dekedaha Pl Maxamed Siciid Lacle ayaa sidoo kale Dhoofitaanka Aladaasi Moorgaraysan ee aan la aqoon waxa ku jira ku Tilmaamay inay shacabka Puntland ku Qancinayaan in Maamulk dhoofiyay Makiinadii Lacagta soo saari Jirtay, taasi oo shacabka Puntland Curyaamisay ka dib markii ay Bateen Lacagaha Been Abuurka ah ee lagu daabaco Gudaha Puntland.
Masuuliyiinta Xukuumada Pl waxay sidii kale daboolka ka qaadeen in Qalabka Warshada loo dhoofiyay Dubai, iyada oo dooni kale laga sii saaridoono Gudaha Dalka Cumaan oo Haataan la sii Marindoono, Balse waxay Gaabsadeen inay si Faah Faahsan uga hadlay waxa loo sii Marinayo, Dalka Cumaan, Taasi oo shaki wayn ku Abuurtay Bulshada Reer Puntland in Hadhaw si Qarsoodi ah loogu soo Celiyo Gudaha Puntland.
Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa Gabi ahaanba diiday inay Wariyaasha tusaan waxa sanduuqaasi La dhoofiyay ku Jira si dadku u Rumaystaan in warshadii la dhoofiyay, Shacabka ayaa si Waydiinaya inaanay ilaa haatan Xaqiisanayn in Warshadii la dhoofiyay Maadaaba hortooda, dab lagu qabadsiin waayay oo iyada oo Shaqaysanay loo dhoofiyay Dalka ay Xukuumada Puntland Ganacsi dhaw la Leedahay.
Dhawaan baa la Xasuustaa markii ay saxaafada qaarkeed Fashiliyeen Qorshayaal uu damacsanaa Maamulka C/raxmaan Faroole inuu dib Boodhka uga Jafo Warshada Daabacda Laacgat Balse, maamulka ayaa Arinkaasi Saxaafadu soo bandhigtay aad ugu Xumaaday iyaga oo qaar ka mid Warbaahintii Warkaas sheegtay ugu Hanjabay inay Maxkamda soo Tagaayaan.
Warshada daabada Lacagta ayaa waxay horay ugu furaan jirtay Gudaha Magaalada Bosaaso taasi oo ay Keenideeda ka danbeeyeen Masuuliyiin ka tirsanaa Xukuumadii Hore ee Cade Muuse, waxayna warshadaasi ku taala Xaafada New Bosaaso ee Koonfurta Magaalada Bosaaso.
Kacdoon badan oo ay sameeyeen Bulshada Reer Puntland waxa suurawday in Cade Muuse uu warshadaasi xidho, ka dib sicir Barar Baahsan oo Aafeeyee Puntland, Gen- Cade Muuse ayaa Go"aan adag oo uu la qaaday Culumada Puntland waxa uu ku xidhay Warshadaasi.
Hadaba Su"aasha meesha taala waxa weeyaan Madaxwayne Faroole oo lagu Xanto inuu yahay nin aad u Lacag jicil maka dhabaa inuu Warshadii Dhoofiyay Mise Isbuuc ka dib ayaa si dhuumaalaysi ah looga soo dejinayaa Gudaha Dekeda Bosaaso?......... hadka Reer Puntland ayaa Hadaladaasi ku Jaah Wareersan.
Jaamac A.Feyte
LaasqorayNET




