kooxdii tadaaqiga cusbaa oo hubkoodii ku wareejiyey CWXO
Written by dhamac
Saturday, 07 March 2009
kooxihii tadaaqiga ee cusbaa oo hubkoodii ku wareejiyey CWXO ka dib markii ay intooda badan u hogaansameen baaqii iyo digniinahii ka soo baxay Hogaanka Gaashaan-dhiga ee JWXO.
warar kala duwan oo naga soo gaadhaya meelo ka mid ah goboladda Ogaadeenya ayaa sheegaya in inta badan kooxihii tadaaqiga ahaa ee kol-dhawayd lagu soo daadisyeye meelo badan oo Ogaadeenya ka mid ah si ay dhidi dhawr iyo dhufaysba oogu noqdaan ciidamada gumaysiga ee wakhtigoodii dhamaadey
magaaladda qabri bayax ayaa dhamaan kooxdii dhidid dhawrka waxay daadiyeen kuna wareejiyeen hubkoodii CWXO oo xarun ku lahayd meel u dhawr qabri bayax waxaana lagu soo waramayaa in si buuxda ay CWXO u damaanad qaadeen inaysan wax dhib ah u gaysan doonin hadii ay u hogaansamaan awaamiirta taliska sare ee CWXO.
dadka deegaanka ayaa aad ugu riyaaqay tilaabooyinka ay CWXO qaadeen iyo digniinaha ka soo baxaya taliska sare ee CWXO kuwaas oo isugu jira waano iyo canaan muujiyeyna inay xitaa daba-qoodhiga ay ku waaninayaan inay ka waantoobaan dhibaatada ay shacabka ku hayaan inta aysan la kulmin dhirbaaxada CWXO taas oo si aad ah looga dharagsan yahay heerka ay le’eg tahay
dhinaca kale ciidamda gumaysiga Itoobiya ayaa walaac balaadhan ka muujiyey digniinaha ka soo baxaya talisaka sare ee CWXO kaas oo ay si aad ah ooga warhayaan in digniinahani ay yihiin kuwo lagu fashilinayo shirqoolada uu cadawga gumaysigu maleegayo
si kastaba ha ahaatee waxaa iska cad in maanta codsiyada CWXO iyo waliba digniinaha ka soo baxaba ay yihiin kuwa sida ay tahay loo fulinayo iyadoo dad-waynaha S/Ogaadeenya ay u arkaan inay tahay wadada kaliya ee xoriyadda dhamaan shacbiga dulman ee S/Ogaadeenya waxay maanta u tahay guul balaadhan oo laga dareenayo wajiyadooda inay lee yihiin ciidan tiro iyo tayoba leh .
Dufaan/jig-jiga



