Cidamada JWXO oo la wareegay magaalada Mustxiil waxayna dagaal xoog ka wadaan Wardheer iyo Qalaafo.
Warar dag dag ah oo naga soo gaadhay Ogaadeeniya ayaa sheegaya in ciidamada JWXO ay qabsadeen magaalada Mustixiil kadib markii ay dagaal qaraar ku qaadeen magaaladaas. JWXO ayaa weerar ku qabsatay magaalada Mustaxiil oo u dhaxaysa magaalada qalaafo iyo baladweyn. Sida lagu soo waramaayo inka badan 80 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa lagu dilay dagaalkaas waxaana looga qabsaday hub iyo saanad aad u farabadan.
Sida lagu soo waramaayo waxaa dagaal ka socdaan laba magaalo oo lagu kala magacaabo khalaafo iyo wardheer oo la filaayo in lagala wareegi doono saacadaha soo socda.
Maalmahan ayaa waxaa socday dagaal u dhaxaya ciidamada wayaanaha iyo JWXO oo inta badan lagu jabiyey ciidamada Itoobiya.
Wixii faafaahin dib ayaan kasoo sheegi doonaa






