Postby mahdi01 » Sun Mar 15, 2009 2:54 am
Nice Topic,
diintu wey ogashey in islaamnimada la isku guursado, laakiin soomaalida qurbaha joogta rag iyo dumar waxaan kula talinayaa iney wax badan ka fiirsadaan guurka ajnabiga, dhalinyarooy qof aan hooyo iyo aabe muslin ah dhalin laguna barbaarin edaab iyo dhaqan toosan guurkiisu meel dheer ma gaarayo, looma guursado qurux iyo dhaqaale waxaa loo guursadaa in gurigaas laga helo nolol degan oo farxad iyo is faham leh, guurka ajnabiga waa guur shaki ku dhisan oo labada qof ee is qaba ey weligood barasho isugu dhiman tahey. hadii is faham daro dhacdo waxaa laga yaabaa sida caadada u ah dalalkan reer galbeedka in qofkii kale la qaarijiyo. inta badan dadka soo islaamey ee bulshada madoow waa kuwo xabsiyada ku muslimey oo aan diinta aqoon fiican u laheyn, mana yaqaanan dhaqankii islaamka lagu yaqaaney ee anshaxa haweenka xaasaska ah lagula dhaqmo.
guurka ajnabiga waa xoriyad la'aan iyo dadkaaga oo aad ka go'do, waxaa dhacda marar badan in labada qof ee is qabta eysan dhex maran kaftan iyo sheekooyin badan, waxaa dhacda in raashinka kala duwan ee caadooyinka lagusoo kala korey ey is qaban waayaan oo halkaa laba cuno lakala karsado, waxaa dhacda in hadii mid ey dadkiisu soo booqdaan kan kale inuu noqdo Alien isagoo guriigiisii dhex jooga, waxaa dhacda in hadii la isku dhaco ey markiiba is furaan maxaa yeeley malaha dad dhex geli karo oo labaduba ku kalsoon yihiin.
waxaan soo ogaadey raga reer galbeedka ee raadiya guurka dumarka islaamka iney yihiin rag ey ku adkaatey xiriirka haweenkooda oo raadinaya dumar jilicsan oo ey ku tuntaan xuquuqdooda arintaa waxaa ka warantey gabadhii ka tirsaneyd boqortooyadii reer bahrain ee la baxsatey askarigii mareykanka ahaa ka dib markii ey dalkeedii dib ugu noqotey.
waxaa lasoo ogaadey in beniaadamka sidiisaba qofka ugu dhow ee ey sida fiican isu yaqaanaan iney ugu fiican tahey guurkiisa, iska daa ajnabiga kale ee waxaan dadka kula talin lahaa si loo helo guryo fiican oo nabad iyo is jaceyl lagu wada nool yahey in wiilka iyo gabadha isla ah reer kismaayo ama reer hargeysa ama reer Jijiga iney is guursadaan si loo yareeyo furiinka macno darada ah ee sidii dalku u burburey soomaalida kusoo batey, macnaheygu waa guurka waxaa ugu daran SURPRISESKA in labada qof uu midkood kan kale u laheyn aqoon hoose oo halkaas lagu kala boodo, waxaa dhacda in laba qof oo taleefan mudo yar ku sheekeystey iney is guursadaan oo aqoonta ey isu leeyihiin ey aad u hooseyso taas ayaana sabab u ah furiinka tirada badan. marka waa in loo tabaabusheystaa guurka oo aanan waqti aad u badana lagu lumin raadintiisa, waqti yarna lala soo boodin oo marka hore laga wada hadlo wax walba oo qoyskaas dhidabadiisa adkeyn kara...