Golaha Shuurada Ururka Xisbul Islaam ee dhowaan u kala jabay Labada garab ayaa ku dhawaaqay in xubinimada ururkooda ay ka ceyriyeen Xubno uu ka mid yahay Sheekh Yuusuf Indha Cadde.
Afhayeen u hadlay Golaha Shuurada Xisbul Islaam oo la yiraahdo Ismaaciil Xaaji Caddow ayaa u sheegay saxaafada in kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ay ku go'aansadeen inay in xubinimada Ururka Xisbul Islaam ka saaraan Sheekh Yuusuf Indha Cadde iyo Sheekh Maxamed Xasan Camey oo dhowaan ay u magacaabeen garabka Indha Cadde Gudoomiye.
Waxaa uu sheegay in sababta ay uga saareen golaha masuuliyiintaasi ay tahay in ay galeen arin ka hor imaaneeysa shuruucda, nidaamka iyo xeer hoosaadyada u degsan ururka Xisbul Islaam iyo sidoo kale in ay ku dhawaaqeen awood aysan xaq u laheyn oo ka baxsan awoodooda, waxaana uu intaas raaciyay in masuuliyiintaasi aysan markii horeba ka mid aheeyn golaha fulinta iyo Golaha shuurada.
Dhowaan ayey aheyd markii xubno ka tirsan ururka Xisbul Islaam ay daboolka ka qaadeen in ay xil ka qaadis ku sameeyeen Gudoomiyihii ururkaasi Dr Cumar Iimaan Abuubakar kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Ma jirto ilaa iyo hada war ka soo baxay garabka Indha Cadde hormuud u yahay ee ku aadan ka saarista xubinimadooda Isbaheysiga, waxaase tani u muuqataa mid Midi midi ku taag ah, iyadoona ay horay uga soo horjeesteen garabka Dr. Cumar Iimaan xil ka qaadistii ay sheegeen garabka Indha Cadde.
http://mareeg.com/fidsan.php?sid=11159&tirsan=2




