Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

War degdeg: Xisbiga KULMIYE:”Weerar Hubaysan” Hargeisa

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Burao_Media
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 338
Joined: Fri Apr 10, 2009 3:14 am
Location: nin sahan tagay oo u dhexeeya Gaashamo, Danood iyo Wardheer.......

War degdeg: Xisbiga KULMIYE:”Weerar Hubaysan” Hargeisa

Postby Burao_Media » Thu Apr 16, 2009 9:04 am

Wednesday, 15 April 2009
XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND (KULMIYE)

KU: Taliyaha Ciidamda Booliska JSL =Hargeysa=

OG: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL =Hargeysa=



OG: Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JSL =Hargeysa=


OG: Golaha Wakiilada JSL =Hargeysa=


OG: Golaha Guurtida JSL =Hargeysa=


OG:- Xisbiga UCID =Hargeysa=


OG: Xisbiga UDUB =Hargeysa=



UJEEDDO: WEERAR HUBEYSAN.


Waxaa manta oo bishu tahay April 13, 2009, ahna maalin Isniin ah , abbaaro 11:45 subaxnimo, lagu rasaaseeyey Xarunta Xisbiga KULMIYE Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga , halkaas oo ay isugu soo baxeen Madaxda iyo taageerayaasha si ay u muujiyaan ra’yigooda ku saabsan saluugga maamulka Xukuumadda Riyaale ee waqtigeedi dhammaaday 6dii April 2009, iyo dib u dhaca sharci-darrada ah ee loogu kordhiyey mudada lixda bilood ah.


Waxaana goobtaasi khudbado ka jeedinayey Hoggaanka Xisbiga, Xildhibaano iyo Madax kale oo ka socotay Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, Urur-siyaasadeedka Qaran, Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida iyo Madax-dhaqameedyo. Intii ay socdeen khudbadahaasi waxaa mar walba rabshado iyo qalaanqal ka dhex-waday madasha dad si gaara loo soo abaabulay oo loogu talo-galay inay khalkhal geliyaan isu soo baxa KULMIYE.


Waxaana ugu danbeyntii ay rabshadaasi dhalisay in nin aan ka mid ahayn taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, oo magaciisana lagu sheegay MAXAMED XUSEEN KHALIIF, uu rasaas ka dhacaysa bistoolad uu oodda kaga qaaday taageerayaashii Xisbiga ee goobta joogay, hase-yeeshee aanay cidina waxba ku noqonin.


Kadib, markii daba-gal arrintaas lagu sameeyey , waxaa noo caddaatay in ninkani loo adeegsaday in uu dilo qaar ka mid ah Hoggaanka Xisbiga KULMIYE , si loo abuuro xaalad colaadeed iyo Nabadgelyo darro, laguna shaabadeeyo Xisbiga KULMIYE. Hase-yeeshee , taasi may dhicin, oo waa laga badbaaday, kadib markii ay iska caabiyeen taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, waxaana la xaqiijinayaa inuu Bastoolada lahaa nin ka tirsan CIIDANMADA MADAXTOOYADA, oo isla markiiba kala wareegay ninkaasi Bistooladii, kuna ritay galkeedii oo uu isagu xidhnaa, si degdeg ahna uga carraray goobtii ninka lagu qabtay.

Ninkaas Bistooladda adeegsaday waxaa loo taxaabay Xarunta C.I.D-da ee Hargeysa, sida aanu ku helay wararka.


Hadaba, waxaanu ka codsanaynaa Ciidamada Nabadgelyada:


In si deg deg ah loo horkeeno dambiilaha sharciga.


In arrintani baadhitaan lagu sameeyo, inuu ka dambeeyo Gudoomiyaha Gobolka Maroodi/Jeex Cali Xasan Maxamed ( Cali Asad) oo loo aanaynayo inuu ka dambeeyo arrintani.


In la soo qabto askariga u dhiibay Bastooladdiisa danbiilaha , isla markaana sharciga la hor-keeno.


Inay Madaxda Ciidamada Nabadgelyadu qoraal ugu soo gudbiyaan Hoggaanka Xisbiga tafaasiisha mu’aamaraadkani ee loo soo maleegay Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE.


Waxaan aad ugu rejoweynahay in aydin si deg deg ah wax uga qaban doontaan.


WADA SHAQEYN WACAN

KEYSE XASAN CIGE

XOGHAYAHA GUUD

Burao_Media
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 338
Joined: Fri Apr 10, 2009 3:14 am
Location: nin sahan tagay oo u dhexeeya Gaashamo, Danood iyo Wardheer.......

Re: War degdeg: Xisbiga KULMIYE:”Weerar Hubaysan” Hargeisa

Postby Burao_Media » Thu Apr 16, 2009 9:06 am

walahaye, Rayalle is not worth you burning your city and country.

Kulmiye :sland: :up:
UDUB :sland:
UCID :sland:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 15 guests