Sheekh Xasan Dahir oo ku sii jeeda Magaalo xeebeedka Kismaayo.
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo Wadaadka ugu weyn ee Mucaaradka Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa lagu wadaa inuu tago Magaalada xeebta ku taal ee Kismaayo, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Kooxaha Islaamiyiinta.
Sheekh Xasan Dahir oo hada ku sugan Shabellaha Hoose ayaa laga yaabaa in maalmaha soo socda uu halkaas uga sii gudbo Xarunta Gobolka Jubadda Hoose ee Kismaayo.
Warka ku aadan dhaq dhaqaaqyada Sheekh Xasan Dahir ayaa ah mid aad u xadidan, taasoo lagu sheegay sababo ammaan, isla markaana Wadaadka uu ka tirsan yahay Liiska waxa uu Mareykanka ugu yeero La dagaalanka Argagixsada, waana taa waxa uu dhaqaaqiisa uu yahay mid aan laga war heyn goor walba.
Sheekh Xasan Dahir oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Muqdisho tan iyo markii uu soo gaaray todobaadkii hore ayaa warar la helayo ay sheegayaan inuu bilaabo kulamo gooni gooni ah uu la qaato garabyada islaamiyiinta.
Hadafka uu Sheekhu ka leeyahay kulamadan ayaa ah mid uu ku doonayo inuu ku mideeyo kooxaha firqooyinka ee markii hore ku mideysnaa Midowgii Maxkamadaha, balse haatan dhowr garab u kala jabay.
Sheekh Aweys ayaa la sheegayaa inuu Kismaayo kula kulmayo Sheekh Xasan Turki oo labaduba ka mid ah Liiska waxa uu Mareykanka ugu yeero Argagisada, waxaana Sheekh Xasan Turki oo ah Hogaamiye sare uu saldhig weyn ku leeyahay deegaanka Raaskambooni.
Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com
By this move he made it clear that he doesnt desire any peace nor talk with the islamic government.



