Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dagaalo culus oo galabta dib ugu qaxay deegaanada Maxaas iyo

Historical reference for Somali armed militias.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Dagaalo culus oo galabta dib ugu qaxay deegaanada Maxaas iyo

Postby Talo alle udaa » Sat May 16, 2009 11:31 am

Posted: 5/17/2009 12:17:00 AM
Shabelle: WABXO
Ururka Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Maxaas iyo deegaanka Wabxo ee gobolada Hiiraan iyo Galgaduud halkaasi oo ay dhawaan kula dagaalameen ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna iyo kuwa deegaanka ah.



Dagaalka ugu darnaa ayaa waxaa uu galabta ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaasi oo maanta ay la wareegeen kooxo deegaanka ah oo garab ka helaya Maxkamadaha Islaamiga iyo Ahlu Sunna Waljamaaca halkaasi oo ay caawa weerareen ciidamada Al Shabaab,waxaana wararka caawa degmadaasi laga helayo ay sheegayaa in Al Shabaab ay mar kale gacanta u gashay degmada Maxaas.



Dagaalka ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo markii hore ka bilowday hareeraha degmadaasi ayaa waxaa markii dambe la isla galay gudaha degmada,waxaana ay wararku intaasi ku darayaan in dagaalkaasi uu geystay qasaare nafeed.



Ilaa 4-ruux oo ku dhaawacmay dagaalka ayaa waxaa loola caraay cusbitaalka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolak Hiiraan iyadoo sidoo kale ay jiraan 3-kale oo iyana la geeyay xarumo caafimaad oo ku yaala gudaha gobolka Hiiraan kuwaasi oo dhamaantood ah dad rayid ah.



Dhanka kale Xoogaga Al Shabaab ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen deegaanka Wabxo degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo maalintii shalay ay kala waregeen ciidamo ka tirsan Dariiqada Ahlu Sunna Waljamaaca,waxaana halkaasi galabta ka dhacay dagaalo xoogan oo la isku weydaarsaday hub culus.



Dagaalka oo ka bilowday duleedka deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa haatan rasaastu ay ka dhaceeysaa gudaha deegaankaasi.



Lama oga cidda sida rasmiga ula wareegtay gacan ku heeynta deegaankaasi maadaama ay wali ka dhaceyayaan rasaas iyo hub kale oo aad u culus.



Dagaalada ka kala socda deegaanada Maxaas iyo Wabxo oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa inta la hubo waxaa ku nafwaayay 10-ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 9-kale kuwaasi oo qaarkood ahaa dad rayid ah halka inta kalena ay yihiin dhinacyada uu dagaalku u dhaxeeyo.



Dagaalada ka socnaya gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu u muuqdaa mid maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogeysanaya,iyadoo aysan jirin cid ilaa iyo haatan u istaagtay in ay joojiso dagaalada dhexmaraya Xoogaga Muqaawamada

User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Re: Dagaalo culus oo galabta dib ugu qaxay deegaanada Maxaas iyo

Postby Talo alle udaa » Sat May 16, 2009 2:07 pm

Dagaalo ayaa dib galabta ugu qarxay Degmada Maxaas iyo Deegaanka Wabxo ee Gobolada Hiiraan iyo G/gaduud, halkaasoo ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen Xoogaga Alshabaab.

Sida ay sheegayaan wararka dagaaladan ayaa ah kuwo la isku gabal dhacsaday, waxaana uu ka dambeeyay kadib markii deegaanadaas lagala wareegay Ururka Alshabaab.

Dagaalada ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa Maleeshiyo deegaanka oo gacan ka helaya Dariiqada suufiyada Ahlu Sunah Waljamaacah iyo Kooxda Alshabaab.

Sidoo kale dagaalka ka socda Degmada Maxaas ayaa waxaa ku lug leh Ciidamo taabacsan Maamulka Islaamiga Gobolka Hiiraan, iyadoona dagaalka ay qeyb ka yihiin Ahlu Sunah Waljamaacah.

Qasaaraha dagaaladan ayaa ah mid isa soo taraya, kadib markii Degmada Maxaas laga maqlay duqeyn Madaafiic ah oo ku hoobanayay Degmada, waxaana dhaawacyo u badan dad rayid ah gelinkii dambe ee manta la gaarsiiyay Magaalada B/weyn.

Dagaalka isna ka socda Deegaanka Wabxo ee Gobolka G/gaduud ayaa waxaa uu daba socdaa dagaalo shalay ilaa saaka halkaas ka socda, kaasoo ay gacan ku heyntiisa kula wareegeen Ururka Alshabaab.

Labada deegaan oo uu dagaalka ka socdo ayaan sidaa u kala fogeyn waxaana la soo sheegayaa in dagalada ay soo gaareen ilaa caawa fiidkii, waxaana ilaa iyo hada adag qasaaraha kala gaaray labada dhinac iyo hadii lagu kala wareegay Deegaanadaas oo horay ay Wabxo ula wareegtay Ahlu Sunah Waljamaacah iyadoo qeyb ka mid ah Degmada Maxaas ay joogeen Alshabaab.

Barakac iyo qax ayaa ka socda deegaanadaas, waxaana dadkii ku dhaqnaa halkaas ay mar qura bilaabeen inay ka cararaan dagaalada oo u muuqda kuwo sii xoogeysanaya


Jowhar.com

User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Re: Dagaalo culus oo galabta dib ugu qaxay deegaanada Maxaas iyo

Postby Talo alle udaa » Sat May 16, 2009 2:11 pm

WARARKA CAAWA: Xoogaga Al-Shabab oo dib ula wareegay Maxaas iyo Wabxo kadib weerar xoogan oo galabta iyo caawa ay ku qadeen
(16-05-2009)Xoogaga Al -Shabaab ayaa galabta ilaa caawa waxaa ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen degmooyinka Maxaas iyo Wabxo ee Galguduud iyo Hiiraan halkasoo maalma ka hor ay ka saareen ciidamadii isbahaystay ee Maxaakimta iyo Ahlsunah.

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus hubka la isku adeegsanayeyna uu aha mid aad u culus ayaa keenay in xooagga Al-Shabab ay dib gacanta ugu dhigaan labadaas degmo.

Dagaalka oo markii hore ka soo bilawday banaanka labada degmo ayaa caawa waxaa la sheegay in gudaha la isla soo galay , waxaana dadka deegaanka oo aan xiriir la sameynay ay sheegen in ciidamada maxaakimta iyo kuwa Ahlsunah laga saaray Wabxo iyo Maxaas.

khasaaraha dagaalka ayaa la sheegayaa in uu yahay mid aad u sareeya , waxaana tirada guud ee dhimashada la sheegay in ay gaareyso 13-Ruux halka in ku dhaw 15-kalena ay ku dhaawacmeen oo dhaawacooda la geeyey Isbitaalo ku yaala Baladweyn iyo BuloBurde oo Hiraan kawada tirsan.

Xaalada ayaa caawa aad u kacsan waxaana afhayeenka Ahlusnah oo an la xiriirnay uu sheegay in dagaalka oo socda aawadeed aanu hadli karin halka dhinaca Al-Shababna aan wali war laga heynin.

wixii ku soo kordha kala soco dalkanews.com

Dalkanews.com Muqdisho


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Factions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest