Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

SIRU TALO MA NOQOTO: KALA-KICII KULANKA COLUMBUS

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

SIRU TALO MA NOQOTO: KALA-KICII KULANKA COLUMBUS

Postby CoolPoisons » Sun May 31, 2009 5:35 pm

Maanta oo uu galay maalintii saddexaad ayuu ugu rajo xumaa. Markii caawa 10:00 PM la joogana waaba lagu kala luuday. Intii u dhexaysay salaadda Casar iyo Maqribna wuxuuba u muuqday in laysugu gacan qaadi doono.



Kharaarka arrintu wuxuu ka curtay markii la yiri ha la saaro guddi afartameeyo ah oo aysan qeexnayn himiladiisa. Markii lagu guuldarraystay in shirka la hor keeno Ajande qeexan oo laga wada hadlo, markii la hubsaday in wixii ay kooxu hoos isugu sheegtay aanay u cuntami doonin Reer Sadeha gurdan-raaca ah ee shirka iyagoo niyad saafi ah ku hubaysan uga yimid Badaha waaweyn shishadooda.



Laysma marag xastee xamaasad iyo hiyikac tirabadan ayuu shirku calfaday saddexdii beri ee uu socday. Dad badan ayaa ku jidbooday muuqaallo kala duwan oo laga soo guuriyey mareegaha kala duwan ee sawirrada xambaara. Waxaa in badan lagu celceliyey “ha israacdo Beeshu,” “aannu ka tashanno aayaheenna” iyo hadallo kale oo haddii meelo kale lagu sheegaba micno wanaagsan samayn lahaa.



Waxaa shirka ka soo qayb gashay gabar ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkan Maraykanka. Gabadhaasi dhexda ma aanay dhigin oo waxay si cad u sheegtay in ay dawladdeedu la dagaallamayso Shabaabka iyo ciddii la haysaba. Waxaa kale oo ay Gabadhaasi caddaysay in ay dawladdeedu taageero hiil iyo hoo-ba leh la garab taagan tahay dawladda uu Shariif Sheekh Axmed garwadeenka u yahay.



Waxayse u muuqataa in haddii la rumaysan karo qaabkii loo billaabay abaabulkiisa uu shirku ahaan kari lahaa mid ka culus oo ka saamayn iyo xeelba fog in lays wacyi geliyo. Khamiistii, Jimacadii, iyo maanta oo Sabti ahaydba waxaa waqtiga intiisa badan qaadanayey “hadallo wan-wanaagsan laakiin bashalaq ah oo aan qodnayn xeeshii looga baahnaa kulan caynkan oo kale ah.



Ugu dambayntii caawa fiid dambe ayaa si wejiga loo bedbaadiyo waxaa la qabtay ku dhawaad soddomeeyo guddi fulineed lagu sheegay oo qaban doona hawl aanan qeexnayn. Guddigaa dhamaantiis waa xubnihii hawshan horay u waday oo ka soo billaabay Barnaamijkii Daltabyo kuna soo dhamaaday shir-telefoonnadii (teleconferences) tirada badnaa ee carrada saabtay bishii Maarso, Abriil iyo Maajoba.



Guddoomiyaha Guddigan (aysan hawshiisu qeexnayn) waa isla guddoomiyihii ay teleeefonlaydu dooratay muddo haatan laba bilood iyo bar laga joogo. Oo maxaaba loogu baahnaa in laysu yimaado?



Mid ka mid ah aqoonyahaniinta degaankan oo ay GedoOnline wax ka weydiisay aragtidiisa ku aaddan shirkan ayaa wuxuu yiri: “Haddii dantii shirkan laga lahaa ay ku ekayd inuu qabsoomo, waa lagu guuleystay, haddiise la doonayey in qabsoomiddiisa dan kale lagu gaaro, taasi ma muuqato.”



Dayro kale waxaa muujiyey mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee beesha, wuxuuna ku calaacalay in markii horeba lagu fududaaday qabashada shirka waqti loo baahnaa in aad looga baaraandego oo loo lafagguro waxyaabaha imaan kara iyo xalka ku aaddan caqabadaha suuroggalka ah. “Adeer ma garan karo meeshii lagu degdegayey, innaguna tan oo kale ayaannu ka baqaynay” ayuu yiri odaygaasi.



Isku soo wada duuboo waxay u muuqataa in shirkani uu ku guuldarraystay in uu xitaa mabdi’iyan isku raaco himilo loo shiro oo la sii riixo mustaqbalka. Arrintaanna waxay xeeldheerayaaashu GedoOnline ugu micneeyeen in ay sabab u tahay in abaabulayaashiisii ay ka baaqsadeen in iska daa dadka kale ee ay iyaga laftoodu runta isu sheegaan. SIRU TALO MA NOQOTO.


http://www.gedoonline.com/?p=2509

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests