Xasa Mahdi : Dadka waqooyiga Muqdisho waa gaalo dhiigoduna wuu banaan yahay"Afhayeenka xisbul islaam Xasan Mahdi ayaa isagoo kula hadlayay ciidamdaasi isgoyska fagax ayaa waxa uu ku tilmaamay dadka ku dhaqan waqooyiga muqdisho dad gaalo ah isagoona sheegay in dhiigoodu banaan yahay.
Warkan oo laga helay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Mahdi uu qudbad xasaasi ah u jeedinaayay ciidamadiisa ku sugan isgoyska fagax waxaana uu sheegay in dhalinyarada joogta aagaasi hadii ay dagaalka diidaan ay la dili karo.
Warka waxa uu intaa ku daray in shiikhu uu ku andacooday in dagaalka ay kula jiraan ciidaada dowlada uu yahay mid xaq ah islamarkaana loo baahan yahay in dadka oo dhan ay ka qeyb qataan.
Lakiin lama oga sababta ka danbeysay in Sheekh Xasan Mahdi uu ku tilmaamo dadka ku dhaqan waqooyiga muqdihso inay yihiin dad gaalo isagoona baneeyay dhiigooda, taasoo keeni karta in dad badan uu shaki weyn galo.
Arimahan ayaa imaaday ka dib markii kooxahamucaaradka oo maalmihii dhawaa iyga iyo dowlada uu ka dhexeeyay is jiid jiid ah inay san dhul kala qabsan waxaana weli socda dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya labada dhinaca.
Xasan Abuukar
Derban, Koonfur Afrika
http://www.jowhar.com/main/news.php?readmore=204