Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo dhowaan iska casilay xilkii Afhayeenimo ee Xarakada Alshabaab ayaa warar lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan inuu iska diiday xilka Kuxigeenka Amiirka Xarakada Alshabaab, iyadoona ay soo baxayaan mad madow u dhaxeeysa isaga iyo qaar ka tirsan Hogaanada Xarakada Alshabaab.
Wararka ayaa tibaaxaya in Abuu Mansuur uu gebi ahaanba qaadacay wax xil ah oo uu ka qabto Xarakada Alshabaab, hase ahaatee ku soo koobay kaliya inuu ka mid noqdo xubnaha Alshabaab ama Askari ka tirsan.
Abuu Mansuur oo ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool ayaa warar qaar sheegayaan inuu horay u diiday in la joojiyo howlaha sama falka ee Gobolada Bay iyo Bakool, taasoo iyana qeyb ka noqotay waxyaabaha ay isku qabteen isaga iyo Hogaanka Alshabaab.
Warar maalmihii u dambeeyay iska soo daba dhacayeen ayaa tibaaxayay inuu jiray tuhun soo kala dhex galay isaga iyo Ragga ugu sareeya Xarakada Alshabaab, inkastoo tuhunkaas uu aaqirkii keenay in Abuu Mansuur uu xilka wareejiyo.
Khilaafka iyo mad madowga u dhaxeeya Abuu Mansuur iyo qaar ka tirsan Saraakiisha Alshabaab ayaa ka soo bilowday tan iyo markii uu sii daayay bilowgii sanadkan Xubno uu ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ah Xubin ka tirsan Baarlamaanka, taasoo dad badan ay u garteen in si beelnimo uu u sii daayay, laakiin tallaabadaas ayaa waxaa ka carooday xubno sar sare oo ka tirsan Xarakada Alshabaab.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Abuu Mansuur oo horeyba isku haayay Xilkii Afhayeenimo iyo Kuxigeenka Amiirka Xarakada Alshabaab uu hadana iska diiday xilkii Kuixgeenimo
Fu'aad Shongole oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Alshabaab ayaa dhowaan go'aan qaadashadii Abuu Mansuur si kulul ugu weeraray Warbaahinta, isagoona aad u dhaliilay tallaabadii uu ku sii daayay ragg uu ku sheegay inay ahaayeen Murtadiin sida uu hadalka u dhigay.
Abuu Mansuur iyo Fu'aad Shongole oo xilligii Midowgii Maxkamadaha ee 2006-dii ahaa far iyo faraanti ayaa hada waxay u muuqdaan kuwo aan sidaa isugu fiicneyn oo u dhaxeeya khilaaf hoose, waxaana Fu'aad Shongole uu ka mid yahay ragga sida aadka ay isugu dhow yihiin Amiirka Alshabaab.
Lama oga halka ay ku soo biyo shuban doonto mad madowga hada u bilowday Mas'uuliyiintii Xarakada Alshabaab, waxaana odorasa siyaasada soomaaliya ay shaki gelinayaan mustaqbalka Abuu Mansuur halka uu u janjeersan doono, xilli ay soo baxayeen in xil iska wareejintiisii afhayeenimada ay ka dambeysay khilaaf awgiis.
Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com




