Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Mujahid Kaliil speaks

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Mujahid Kaliil speaks

Postby CoolPoisons » Fri Jun 12, 2009 11:09 am

Mas uul ka tirsan Maamulkii hore Dowlada KMG Gobolka Gedo oo ku goodiyey in ay dhawaan dib u wiiqi doonaan
Soomaalinews.com 12 Jun 09, 10:50

Masuul ka tirsan Maamulkii hore Dowlada KMG ee Gobolka Gedo ayaa waxa uu ku goodiyey in ay dhawaan dib u wiiqi doonaan Awooda xoogaga Islaamiga haatan ka arrimiya gobolkaasi.


Maxamad Cabdi Kaliil oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulkii hore ee laga cirdeeyey gobolkaasi oo Saxaafada la hadlay ayaa ku goodiyey in ay dhawaan dib u wiiqi doonaan awooda xoogaga Islaamiyiinta haatan gacanta ku hayaan Gobolkaasi.


Maxamad Cabdi Kaliil waxa uu ku eedeyey xoogaga ka soo horjeeda Dowlada KMG in aysan ahayn dad ka amar qaata mas’uuliyiin Soomaali ah, balse ay yihiin kooxo laga xukumo meel aan soomaaliya ahayn, sida uu hadalka u dhigay.


Sidoo kale waxa uu ku eedeeyey maamulka islaamiga ka soo horjeeda dowlada KMG in ay si gardaro ah ku bur buriyeen qabuurayaal badan oo ku aasan dad culumo ah, isagoo tibaaxay in lafaha qabuurayaashi aan la ogayn meesha ay geeyaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Qabuuro maxaa loo faagayaa oo qof waa hore dhintay lafahiisa loo soo fagayaa, meeda kale dadkaasi ma ahan dad ay xukumaan soomaali ee waxaa laga xukumaa dal dibada ah, in la iska difaaco mooyee hadalka kale ma jirto” ayuu yiri Maxamad Cabdi Kaliil oo xalay saxaafada la hadlay isagoo ku sugan Degmada Dooloow.


Kaliil waxa uu intaasi ku daray in weerarka ay ku soo qaadi doonaan Gobolka Gedo uu yahay weerar ay og yihiin Mas’uuliyiinta Dowlada KMG ee Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho, laakiin ma uusan carbaabin xiliga ay weerarka ku soo yihiin.


Dhanka kale dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan ayaa laga soo sheegayaa in ay wadaan ciidamada maamulka Islaamiga Gobolka Gedo, kaasoo ka dhan ah sidii ay uga hortagi lahaayeen Ciidamada Maamulkii hore Dowlada KMG oo muddooyinkan isku aruursanayeen Degmada Dooloow.

Haddalkan ka soo yeeray Maxamad Cabdi Kaliil ayaa ku soo beegmaya xili maamulka Islaamiga Gobolka Gedo ay uga digeen maamulkii hore Dowlada KMG Gobolkaasi in aysan ku soo hungoobin weerar ay ku soo qaadaan Gobolkaasi.

http://soomaalinews.com/view_contents.p ... leid=13218

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests