Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa waraaq ay qoreen isku ceebeeyay, ...Waraaqdaas oo dhamaan ay spelling-ka ama xarfaha ay wada khaldeen!!....Cid walbaa ha khaladdo Af-Soomaaliga iyo qoraalkiisa, laakiin ma aanan filayn in
Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ah wasaaraddii dhawri lahayd iyo darkii laga cabi lahaa luqadeenna hooyo ay khalad sidan u weyn gelayso.
Qoraalkii ay wasaaraddu soo saartay, laguna baahiyay bogagga Internetka, kuna saabsanaa tartan loo gelayo deeq waxbarasho, ahaana hal bog oo ku soo baxay warqadda leh loogada rasmiga ah ee wasaaradda, waxaa ku jiray khaladaad aan u cuntamayn cid kasta oo Soomaali ah oo damiir leh, masiirka dalkeedana u danqanaysa. Bal ila arka inta khalad ee ku jira qoraalkan:
