Postby zingii » Sat Jun 27, 2009 9:42 pm
Dadka waxay u baahanyihiin in laquudiyo oo dhibka ay muddada dheer ku jireen laga caawiyo, balse waa la sii hubeenayaa si intayar ee hartay lagu laayo. Bal maanta yaa ku haray dalkii, waxaad arkeysaa waxgaradkii iyo aqoonyahanadii dadkooda u adeegi lahaa oo dibadaha kusoo wada maqan oo lasoo wada dhoofshay ama iskood iyagu usoo dhoofeen. Ma waxaa laheli la'yahay oo wax garadkii awoodi la'yihiin in intay isku imaadaan oo aayaha dadkooda kawada tashadaan oo iyagoo mideysan dalkooda wax u qabtaan?
Qabiilka waa inay duugaan oo wada shaqeeyaan haddii kale sidan bay lakad isugu ahaanayaan, taasina xal ma'aha oo waad aragtaa in dunida ay gacmaha kaa laabatay. Waa in fir-fircooni iyo baahida aad u qabto nabad lagaa arkaa oo qof u gaajeesan nabad wajigaa ka muuqdaa.