Maleeshiyo ka tirsan urur diimeedka Ahlu sunah waljameeca oo tababar uu ugu dhamaaday xeryo milateri oo ku yaala gudaha dalka Itoobiya
Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan Doolow-Itoobiya ayaa waxay tababar muddo socday ay u soo gabababeeyeen ilaa 700 askari oo ka tirsan dhaq-dhaqaaqa hubaysan ee Ahlu Sunna Wal-jameeca kuwaasoo intooda badan ka baxay degmooyinka gobolka Gedo oo ay haatan ka arrimiyaan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ay si aa ah isaga soo horjeedaan.
Ciidamadan ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Ahlu Sunna Wal-jameeca ee tababarka u soo gabagaboobay ayaa ayaa waxaa lagu sheegay in ay yihiin qaybtii labaad sida uu sheegay afhayeenka ciidamadaasi Sheekh Ismaaciil Suufi oo intaasi ku daray in qayb kale ay hadda xeroonayaan kuwaasoo loo bilaabayo tababar la xiriira arimaha dagaalka.
Afhayeenka ciidamada tababarka uu u soo gabababoobay Sheekh Ismaaciil Suufi ayaa waxa uu sheegay in ciidamadan ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Ahlu Sunna Wal-jameeca ee tababarka soo qaatay ay ka qayb qaadan difaacidda diinta Islaamka, qaranimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay ku soo duuleen kooxo uu ku tilmaamay khawaarijta qarniga oo gacan ka helaya dambiilayaal shisheeye.
Arrintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa xili xoogagga Al-shabaab iyo Ahlu Sunna Wal-Jameeca ay u dhexeyso xurguf xooggan, dhowr mar oo horena ay dagaallo ku dhex mareen qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud iyo Gedo kaddib markii ay xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay bilaabeen hawl gallo ay ku burburrinayaan qabuuro ay ku xabaalan yihiin mashaa’ikh iyo culumo ka tirsanaa Ahlu Sunna Wal-jameecah.




