Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Puntland University Building Ties With Swedish University

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Osman-NZ
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 606
Joined: Thu Jul 02, 2009 8:50 pm

Puntland University Building Ties With Swedish University

Postby Osman-NZ » Fri Jul 03, 2009 10:50 pm

Arbaco 01 Jul 2009
Kulan Looga Hadlayo Dhamaystirka Heerka Waxbarasho ee Jaamacadaha Puntland oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Goteborg



Goteborg-(Allidamaale):-Waxaa Magaalada Goteborg lagu qabtay kulan balaaran oo looga hadlayey dhismaha iyo kor u qaadista heerka wax-barasho ee Jaamacadaha Puntland, kulankan oo ay kasoo qayb galeen aqoonyahano ka socday Puntland, ayaa waxaa ay kulamo la qaateen qaar ka tirsan mas,uuliyiinta Jaamacadaha Dalka Sweden.

Waftigan aqoonyahanada Puntland oo uu horkacayeen Pr, Max'ed Jaamac Salaad iyo Pr, Cumar Xaji Xuseen "Kowtame" ayaa waxaa booqashooyin hawleed ku kal bixinayaan wadamada Qaarada Yurub, waxaana waftigan oo ka kala yimid Somaliya, Waqooyiga America, iyo Yurub, ay ujeedadoodu tahay sidii loo horu marin lahaa nidaamka wax-barasho ee heer jaamacdeed loona dhamaystiri lahaa mashaariicda wali qabyada ka ah Jaamacadaha Puntland.

Ugu horayn waxaa halkaasi hadlo soo dhoweyn iyo warbixin kasoo jeediyey Pr, Gesa Nagy oo ah madax Interkulturellt Resurs Centrum, waxaana Pr, Nagy uu soo dhoweeyey imaanshiyahay waftigan, sidoo kalana waxaa uu sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin sidii loo horumarin lahaa mashaariicda wax-barasho ee Puntland.

Kulankan ayaa waxaa warbixino uu uga hadlayey hawlaha ay doonayaan in laqabto kasoo jeediyey Pr, Max'd Jaamac Salaad. oo ah madaxa waftiga aqoonyaana Puntland uga qayb galay Kulankan, waxaana Pr, max'ed Jaamac uu si hufan uga hadlay heerka waxbarasho ee Jamacadaha Puntland iyo qaabka uga haboon ee ay u doonayaan in looga caawiyo dhismaha iyo waliba qalabaynta Jaamacadaahaasi, oo ah sida uu "Prof-Ku" sheegay ah lafshabarta sare u qaadida aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo hakaasi asaguna ka hadlay Pr, Cumar xaaji Xuseen "kawtame" oo asagu kamid ah aqoonyahanada Puntland ee waqooyiga America, waxaana Pr, "kowtame" waxaa uu si aad ah ugu Nuux-nuuxsaday baahida maanta loo qabo manhaj wax-barasho oo tayeysan, islamarkaasna loo heli lahaa xiriir ay wada yeeshaan Jaamacada Puntland iyo kuwa Caalamku.

Waxaana dhamaan kulankan oo ahaa mid loogu gogol xaarayey dar-dar gelinta sidii loo horumarin ahaa hawlaha wax-barashada Jaamacadaha Puntland, ayna ardayda wax kabarataa ay fursad buuxda u heli lahaayeen ayaa gaba-gabadii kulanka aqoonyahanada iskaashiga Jaamacadaha Puntland, iyo Sweden ayey si buuxda isugu afgarteen dhamaan waxyaabihii ay kawada hadleen.

Ka qayb galayaasha kulanka:

Pr:max'ed Jaamac Salaad
Pr:Cumar Xaji Xuseen "kowtame"
Inj:Mursal Axmed
Inj:Omar Ali "Sabtiye"
Aqoonyahan: C/casiis "Geeraare"
Aqoonyahan:Max'ed Cumar "Xoosh"
Aqoonyahan:Abshir Max'ed "dari"
Aqoonyahan: C/risaaq Aden Mohamed.

C/casiis "sanku-bayo"



Allidamaale.com
Your Reliable Sources



Source:http://allidamaale.com/jun/Dhameystirkawaxbarasho.htm

Pretty much puntland professors have met with swedish professor to complete puntland state university and swedish university relationship, to help build 1st world standard to puntland state university curriculum and help develop the university further to international standards.

Not bad idea to build ties with other higher learning institutes in foreign world, because puntlanders will have first class education system in university and also is good for exposure to lift puntland state university reputation in africa. :clap:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests