Mid ka mid ah wiilasha hogaamiyaha ururka Argagixisada Al-Qacida Osama Binladen ayaa waxa la shaaciyay in lagu dilay weerar xaga cirka ah oo ey fuliyeen mid ka mid ah diyaaradaha wax duqeeya ee aan cidu saarneyn kuwaasoo weerarkan qaaday horaantii sanadkan, sida ey baahisay idaacada National Public Radio (NPR) ee dalkaasi Mareykanka.
Saad Binladen oo ah wiilka weerarka lagu dilay ayey Mareykanku sheegeen in ey hubaan dhimashadiisa boqolkiiba sideetan iyo shan (85%), waxaana uu gacan-yare u ahaa aabihiis Osama isagoona dhashay sanadkii 1979.
Wiilkan ayey Mareykanku ku eedeeyeen in uu ka dambeeyay ama lug ku lahaa weerar lagu qaaday kaniisad ey Yuhuudu ku laheyd dalka Tunisia sanadii 2002.
Mareykanka ayaa sheegay weerarka uu ku dhintay Saad uusan aheyn mid isaga loola danlahaa, balse uu ku sugnaa goob saraakiil Al-Qacida ka tirsan lagu tuhunsanaa oo ey ku shirayeen islamarkaana uu isagana halkaasi si khaldan ugu sugnaa.
Saad ayaa aabihii daba-joogay tan iyo intii ugaarsiga lagu bilaabay hogaamiyaha Al-Qacida Mr. Osama Binladen.
Source: http://www.calanka.com/Wararki-Maanta/warka27757



