Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

DEGMADA XINGALOOL OO LAGU QABANAYO KOOB CIYAARTA KUBADA CAGT

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

DEGMADA XINGALOOL OO LAGU QABANAYO KOOB CIYAARTA KUBADA CAGT

Postby oldenglish » Fri Jul 24, 2009 2:08 pm

DEGMADA XINGALOOL OO LAGU QABANAYO KOOB CIYAARTA KUBADA CAGTA AH


Xingalool :-Degmada Xingalool ee G/sanaag ayaa waxaa lagu qabanayaa Koob ciyaarta Kubaada Cagta ah oo ay ka soo qayb galeen Degmooyinka kala ah Badhan, Dhahar, iyo Laasqorey.

Koobkan ayaa waxaa Dhigey Dhamaan Dhalinyarada D/Xingalool iyagoo hadafkoodu ahaa in maadaaa iskuuladu ay xidhanyihiin wakhti xaadirkan oo lagu jiro xiliga xagaaga ah iney dhalinyarada gobolku ay is bartaan ,ayna camal ka dhigtaan ,maadaama guud ahaan bay yidhaahdeen gobolku ay ku nool yihiin dhalinyar faro badan oou baahan iney bartaan gobolkooda waa sida ay hadalka u dhigeen e.

“Ujeeda koobka aanu u dhigney ayaa waxey tahay Mideynta, iyo horumarinta, iskutiirsanaanta Dhalinyarta Gobolka Sanaag” Sidaasi waxaa yidhi mar ay saxaafadu wax ka weydiisey ujeedada koobka loo Qabtey, Gudoomiyaha isboortiga Degmada Xingalool Cawil C/qaadir Daadey (Cawil Koroleeg).

Gudoomiyuhu waxaa noo xaqiijiyey in dhamaan dhalinyaradu isboortiga ee ka kala yimi intooda ugu badan Degmooyinka Gobolka Sanaag ay haatan ku suga yihiin degmada xingalool oo ay soo gaadheen xalayna ay u dhaxeen maantana ay nasan doonaan beri galinka horena la qaban doono Xalfada Fuitaanka Ciyaarta , galinka danbena ay ciyaartu bilaaban doonto.


Koobka ayaa waxaa ka qeyb gali doona Mas’uuliyiin isugu jirta Xildhibaano ,iyo Wasiiro gaar ahaana Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ciyaaraha Shaqada iyo Shaqaalaha Siciid Daahir Qodax oo lagu wado inuu ciyaarata ka qeyb galo iyo waliba Xalfada Furtaankeeda wafdidan ka iman doonta xarunta Maamul Goboleedka Puntland ayaa hor kacaya Xildhibaan C/xakiin Xaaji Maxed Dhoobo-Daareed maaha oo kaliya dowlada masuuliyiinta ka qeyb gali doona ciyaarta Ee waxaa Sidoo kale ciyaarata iman doona kana qeyb gali doona Mulkiilaha Xalwo Kismaayo C/laahi sheikh iyo naadi uu wato oo maanta ka anbobaxey magalada Boosaaso.

Degmada Xingalool ayaa iyadu waxaa ay ka mid tahay Degmooyinka ku yaala Gobolka Sanaag waxeyna u dhowedahay xuduudka ay wadaagaan Sool iyo Sanaag Mudo dheer
Ayeyna dhalinyarada Degmadu ay ku howlanaayeen sidii ay koobkan noocan ah oo kale u qaban lahaayeen Dhamaan degmooyinka Goblka Sanaag,iyagoo intaasi ku darey in Mustaqbalka ay u qaban doonaan guud ahaan magaaloyinka G/Sanaag Koob ka weyn kan ay iminka ka soo qeyb galeen Magaalooyinka amaba Degmooyinka kala Badhan, Dhahar, iyo Laasqorey.

Waa markii ugu horeysay koob ay ku dhan yihiin intooda u badan degmooyinka gobolka sanaag lagu qabto Degmada Xingalool .akhristayaal wixii wara oo ka soo kordha ciyaarta iyo waliba Swirada Koobka ciyaarta waxaanu idku soo gudbin doonaa wararkaga danbe
Insha Allah.



http://www.laasqoray.net/view_article.p ... cleid=5613

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests