Magaaladda Nairobi ee Xaruunta dalka Kenya ayaa waxaa Maalmahan dambe oo dhan laga dareemayay qaban qaabada Xalfada loogu dabaal dagayo Maalinta loo asteeyay Xusida Dowlad Gobaleedka Puntland oo ku beegan Labada Bishan ogoust ee fooda inagu soo haysa
Magaaladda Nairobi ayaa waxaa ku dhaqan dad aad u faro badan oo kasoo jeeda gobolada Maamuul Gobaleedka Puntland waxayna leeyihiin Jaaliyado iyo ururo gaara oo dhamaantood kawada shaqeeya horu marinta gobolada ay kala soo haajireen
Hadaba Jaaliyada guud ee Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa waxay si heer sarre ah u qaban qaabinayaysay tanyo Markii la isku raacay in loo sameeyo Astaan u gaara Maamulka Punland ayaa waxaa ayaamahan dambe oo dhan laga dareemayaa buuq iyo sawaxan Xaafadda Islii ee Waqooyi Bari magaaladda Nairobi ee ay ku nool yihiin dadka reer Puntland
Dhawaan bay ahayd Markii lagu qabtay Xaafada Islii Shir loogu gogol xaadhayo Maalinta Puntland loo asteeyay oo noqon doonto Maalintii ugu horeysay ee Dowlad Gobaleedka Puntland la xuso
Shabakada LaasqorayNET ayaa Akhristayaasheeda ubal qaaday inay usoo tabiso Furitaanka Xalfada ilaa dhamaadka Xalfada islamarkaana idiin soo qaadi doonta Sawiro bilic roon oo aan hubo inaad ka heli doontaan
P/Landers all over the world will be celebrating 1 August......even in Nairobi, Kenya


