Jaaliyada Ogadeniya ee Gobolka Minnesota ayaa Galabnimadii Sabta ee Aug 15 isagu timid xaflad balaadhan oo loogu dabaaldegayey sanad guurada 25aad ee aas-aaskii JWXO.
Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan qaybaha bulshada Jaaliyada Ogadeniya ee Gobolka Minnesot. Furitaankii shirka ayaa lagu furay heesta calanka Ogadeniya, waxaana ku luuqeynayey dhalinyaro ka socota Urura isku xidhka Dhalinyarada Ogadeniya ee Minnesota (Ogaden Yout Network).








