Jijiga(Kilil5)---Sidii aad kala socoteen wararkayagii shalay, waxaan xaqiijinay in dagaalkii shalay ciidamada maleeshiyada Degmada Jijiga iyo ONLF ku dhex maray meel la yidhaa Booraale oo ka tirsan dagmada Qabribayax ee gobolka Jijiga in ay ku dhinteen ciidamo gaadhay 30 qof oo uu kamid ahaa Hogaankii Nabadgalyada Degmada Jijiga Cabdulaahi Faroole Alle ha u naxariisto dhamaantoode balse uuse uuna ahayn Hogaankii nabadgalyada Gobolka.
Hogaanka iyo ciidan kontomeeye ah oo uu watay ayaa loo diray hawlgal ay ku raad goobayeen Jabhada, ciidamadan oo sida warku nagu soo gaadhay ka baxay degmada Qabribayax ayaa waxa loo malaynayaa in bixitaankooda ka hor dig-niina lasiiyay jabhada isla markaana ay u sii diyaar garoobeen oo ay kaga horyimaadeen ciidan tiro badan isla markaana ay ka il horeeyeen. Sikastaba ha ahaatee wali waxaan la heli khasaaraha soogaadhay ONLF inta uu leegyahay.
Mudo hada bil iyo wax yar laga joogo ayaa dagaal sidan ookale u adag ay Ciidamada gaarka ah ee deegaanka “Liyuu Police” ka iyo ONLF uu ku dhex maray Qabridahar halkaas oo ay ku dhinteen afartameeye ka tirsanaa ciidamada booliska gaarka ah inkastoo ay khasaare culus gaadhsiiyeen jabhada. Iyada oo hada deegaanku uu yeeshay cudud xoogan oo dhanka ciidamada ah kuwaas oo isugu jira Ciidamada faderaalka, Police ka gaarka ah iyo Maleeshiyada lana filaayay in ay xididada u siibidoonan dhaq-dhaqaaqyda nabadiidka ayaa waxaa isasoo taraysa hawlgalada, waxyeelooyinka iyo dagaalada ay wadaan kooxahan mucaradku.
Ciidamada Liyuu booliska deegaanka oo inta badan iyaga ay dagaalka iskaga horyimaadaan kooxahan mucaaradka ah ayaad moodaa waxoogaa in ay ka liitaan dhanka hawl galka, ciidamadan oo u badan dhalin yar, tababar dhawr bilood ahna lagu siiyay Jinacsani ayaad modaa in hadana aysan lahayn khibradii dagaal ee loo baahnaa, taasna waxaa kuu cadaynaysa in badiba dagaalada ay la galaan kooxahan kasoo horjeeda ay aad u dhintaan amaba ama khaasri aan laga filaynini soogaadho had iyo jeer. Waxaakale oo iyaduna jirta in ciidamadii faderaalka ee dalku ay hawlgaladii milatari oodhan u daayeen ciidamada somalida ee Liyuu police isla markaana ciidamadan cusubi aysan ka faa’iidin wax khibrad ah ciidamadii kasi horeeyay ee fadaraalka kuwaas oo iyagu hada ku kooban magaalooyinka wax hawl gal ahna aan kasamaynin hawdka.
Kilil5 Online
Jijiga






