Warkii 27-Aug-2009 iyo Qormadii: Afnugaal New Desk
Dowladda Gobaledka Puntland ayaa ciidamadeeda amnigu ay xalay,waxay soo qabteen C/nuur Maxamed Diiriye (Geeseey) oo ahaa Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug,Ahaana Ninkii ka Danbeyey, Dilkii Wasiirkii Warfaafinta ee (Seefta Banaanka)
Waxa ayna sidoo kale manta la raadinaya Wiil uu dhalay Mr Geeseey oo layiraahdo Saleebaan Cabdi-Nuur Maxamed (Geeseey).Nin aay isku Qoys yihiin Wasiirkii Warfaafinta ee (Seefta Banaanka) oo maalin afraad uu Saleebaan Cabdi nuur maxamed geeseeye uu ku dilay Bartamaha Magaalada Gaalkacayo
Qabashada mr geeseye ayaa waxa soo da daajiyey ka dib markii aay Beesha Biciid yahan ka muujisey kacdoon aad u weyn oo la xaad leh iyo laba musuul oo ka tirsan Dowladda Gobaledka Puntland oo iyagu is toogtey Markii aay u adkeysan waayen Cabudhinta lagu hayo Qabiilada Majeerteen ee aan ahayn Maxamud Saleebaanka lagana Tiro Badan yahay sidasi darteed ayaa waxa is toogtey Taliyihii Booliska Garowe iyo Agaasimihii Xanaanada Xoolaha ee Gobalka Bari
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/rixmaan Faroole ayaa maalmo ka hor shaqada ka qaaday gudoomiyahan lasoo xiray oo ka maqan xaafiiskiisa, markii la Ogaadey in uu ka danbeyey dilkii loo geystay Wasiirkii Warfaafinta ee dowladda Puntland oo magaaladaasi lugu dilay 5-tii Bishan
Afnugaal.com
Gaalkacayo Somalia
info@afnugaal.com
Why would someone kill themselves just because they're langaab...

