Ciidamada loo yaqaan Fly Scot ee dalkan Kenya, una tababaran la dagaalanka burcada iyo kooxaha waxa dhaca ee tuugada ah ayaa maanta barqadii laba nin oo tuugo ah ku dilay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, mar ay ku howlanayeen fal dhac ah.
Toogashada kooxaha burcada ah oo ka dhacday bartamaha wadada Street four ee xaafadda Islii ayaa ka dhalatay kadib markii tuugada oo fal boob ku mashquulsan ay ciidamada Fly Scot arkeen, taasoo keentay in ay madaxa ka toogtaan laba nin oo goob-joogayaal ay sheegeen in aysan nafta dhulka la dhicin.
Ilaa ku dhawaad hal saac oo meydkoodu uu yaalay wadada ayaa waxaa markii dambe qaaday gawaarida ay ciidanka baleysku leeyihiin, waaxana suurtagal ah baa la leeyahay in tuugada noocaan oo kale loo qaarajiyo meydkooda la gubo.
Xaafadda Islii oo ah meesha deegaan ahaan ay Somalida Nairobi degan yihiin ayaa waxaa ku badan kooxaha burcada ee ka qowleysta, waxayna dhac u geystaan Dukaamada iyo goobaha ganacsi ee Somalidu ay halkan ku leedahay. Markii ay arrintan badatay ayaa taliska police-ka Kenya waxaa ay sameeyeen ciidamada Fly Scot si ay ula dagaalamaan tuugada.
Dhawaan ayey aheyd markii sidan oo kale saddex nin loogu toogtay wadada 11 Street ee isla xaafadda Islii xilli habbeenimo ah. Tallaabada waxaa soo dhaweeyey ganacsatada Somalida oo dowladda Kenya ugu bogaadiyey sida ay tuugada uga caabineyso.




