waxaa saaka ka dhacay xafiiska Guddiga Nabadgelyada Xaafada Galbedka Laascaanood xafladii furitaanka xafiiska oo noqday tiriba 4 xafiis oo lagu wado in magaalada laga furo kaas oo ay iska kaashanayaan Ciidanka amaanka iyo xaafadaha oo guddi loo sameeyay, arimahan ayaa yimid kadib siminaar mudo todobaad ka hor u dhamaaday odayaasha iyo waxgaradka iyo dhamaan bulshada ku dhaqan magaalada laascaanood markii laga maarmi waayay wada shaqynta booliska iyo dadweynaha taas oo ay fududaysay siminaarkaas Hay,adda Horn Peace oo isu xil saartay sidii ay ugu boorin lahayd dadweynaha reer laascaanood inay wax qabsadaan oo is abaabulaan lana shaqeeyaan laamaha amaanka.
Xafladan ayaa ku bilaabantay waji farxad leh halkaas oo ay ka hadleen madax kala duwan oo uu ugu horeeyo mayerka magaalada laascaanoo canbaashe aw-daahir oo ah gudoomiyaha golaha deegaanka wuxuuna u mahad celiyay odayaasha iyo gudiga nabadgelyada xaafadaha ee sida wanaagsan u shaqynaya ee xafiiska furay iyada oo aan cidi ka caawin wuxuuna balan qaaday wixii karaankooda ah dawlad hoose ahaan inay ka caawin doonaan,
sidoo kale waxaaa halkaas isna ka hadlay Taliyaha Qaybta booliska Maxamed salebaan gooni wuxuuna ku nuux nuuxsaday sida ay u wanaagsantahay wada shaqaynta laamaha amaanka iyo dadweynaha wuxuuna ku tilmaamay arin aad loola dahco oo wax weyn ka w=qaban doonta dhinaca horumarka amaanka iyadoo ay aad u wanaagsanatahy nabadgalyadu hadana waa in taxadar la yeeshaa ayuu yidhi taliyuhu mar uu la hadlayay dadweynaha ka soo qayb galay xafladaas furitaanka xafiiska Guddiga Nabad gelyada ee Galbeedka Magaalada Laascaanood iyadoo dhawaana la furi doo xafiisyada inta hadahay.
Ugu danbayntii waxaa halkaas iyana hadalo waano iyo tusaale ahba ka soo jeediyay Gudoomiyaha Guddiga Nabadgelyada iyo xubno katirsan guddiga waxayna ku dheeraadeen inay waxan oo dhan u samaynayaan bulshadooda balse aysan waxba ugu jirin waxayna dadweynaha magaalada laascaanood ka codsadeen in lala shaqeeyo.


