Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Ibrahim Macoow ayaa dirqi kaga baxsaday maleeshiyadda Khawaarijta Al-Shabaab kadib markii ay ku qasbeen inuu Ashahaato..
Gudoomiye Ibrahim Macoow oo doonayay inuu ku biiro Al-Shabaab ayey xaaladu ku xumaatay markii ay sharuud kaga dhigeen inuu marka hore Ashahaato,oo alla u toowbad keeno.
Ibrahim Macoow oo watay sedex Gawaari dagaal ayey laba ka mida ka baxsadeen,waxaana la xaqiijiyay inay ku biireen xoogaga Ahlusuna ee jooga Goobo,duleedka Maxaas.
Gudoomiyaha aan weli xilka laga qaadin ee gobolka Hiiraan wuxuu hore u shaaciyay in maamulkiisa kalsoonida kala laabtay dowladda Federalka,waxayna dad badan qabeen inuu ku biiri doono Ahlusuna wal jameeca.
Dad la dhashay Sheekh Macoow waxay Waagacusub.com u sheegeen inuu isagoo baqa carara galay Beledweyne,uuna ka badbaaday qorshe la doonayay in lagu qaarijiyo.
Waxgaradka gobolka Hiiraan iyo madaxda maamulkaas ayaa hore u shaaciyay in go'aanka Ibrahim Macoow yahay mid u gaara oo aysan la qabin.
Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaaladda Beledweyne waxay kala qeeybisaa gobolada Somalia,waxaana ku yaal wadooyin kala duwan oo isku xira gobolada taas oo ka dhigee magaalo Istiraatiijiya.
Siyaasadda Somalia malahan sal fadhiyo,waxaana muuqato in maalinba weji cusub galeeyso.
Beledweyne ka jira xaalado amaan,waxaana hore uga dhacay qarax ay ku hoobteen waxgalkii beelweynta Xawaadle.




