Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Xingalol Residents War With Snakes

The region of Maakhir coast and its environs. Maakhir forum discusses current events, economic development and Somali Unity.

Moderator: Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Abdi-Halim
Posts: 227
Joined: Sat Sep 12, 2009 10:05 am
Location: Puntland Always And Forever. So Help Me God!!!

Xingalol Residents War With Snakes

Postby Abdi-Halim » Mon Sep 14, 2009 11:34 am

Xiingalool:Dad masas ku cuneen degmada Xiingalool ee G/Sana


Xiingalool(bosaso-Media)- Warar ka imaanaya Gobolka Sanaag ee Puntland ayaa waxaa ay ku soo waramayaan in habeenkii xalay tiro dad ah uu deegaankaa Masas ay ku laayeen halka qaar kalena ay dhaawaceen,sida uu noo xaqiijiyay Guddoomiyaha degmadaasi Yuusuf Faarax Siciid.

Guddoomiyaha Degmada Xiingalool ayaa waxaa shaaca ka qaaday in qaniinyada Masaska uu u geeriyooday halka,afar kale ay dhaawaceen Masasku,isagoo ku macneeyay masaska iminka dhaawacyada u geystay dadka deegaanka xiliga oo aad u kululaaday oo masasku ay dhulka u adkaysan waayeen ka dib markay banaanka u soo baxeen ay dadka dhibaato u geysteen.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in dadka ay masasku dhaawaceen loola cararay degmada Dhahar oo oo ka tirsan isla G/Sanaag iyo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari,waxaana uu guddoomiyuhu sheegay in degmadu wax xarun caafimaada aysan lahayn taasina ay ka dambaysay in dadkaasi loola cararo magaalooyinka ku dhaw dhaw sida uu sheegay isbitaal iminka gacanta lagu hayo maahee oo hada qabyaa.

Waxaana wararku ay intaa ku darayaan in masaskaani ay dadka ku soo kala qaniineen meelo ka duwan oo ka tirsan degmada Xiingalool,waxaana dadkaan qaar ka mid masasku ku soo kala qaniineen meel ka baxsan degmada oo 4 Kilo mitir u jirta labo ka mid ahna ay ku qaniineen gudaha degmada,gudoomiyaha ayaa sidoo kalena sheegay in masaska badan koodu ay dadka qaniineen abaaro 8:00PM waa sida uu guddoomiyuhu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale Yuusuf Faarax Siciid guddoomiyaha degmada Xiin-galool ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in degmadaasi ay ka jiraan islamarkaasi xoolihii ay noqdeen kuwo gabaabsiya dadkuna ay ku dabo jiraan,guddoomiyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in xaalka degmadaasi uu yahay mid allow sahala oo dadka iyo duunyaduba ay khatar ku jiraan.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa sheegay in hada waxa ugu daran ee dadka deegaanku ay eedsheeganayaan ay tahay masaska dhibaatada u gaysanaya xiliyada habeen kii ah oo ay dhulka ka soo baxaan,isagoo guddoomiye Yuusuf Faarax Siciid uu sheegay in marka lagaaro xiligaan oo kale ay masasku iska soo baxaan kulayl awgiis.

bosaso-Media News Desk.

:shock:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Maakhir”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests