Postby zingii » Sat Oct 03, 2009 2:45 am
Saakay aroor ayaa waxaa ma kale ka qarxay duleedka magaalada Kismaayo dagaal qaraar oo u dhexeeya kooxo diimeedyadii doraad ku dagaalamay magaalada Kismaayo kuwaasoo kala ah Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, waxaana dagaalka saakay uu yahay mid culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu qarxay salaadii subax kadib, waxaana ey wararku intaa ku darayaan in weerarkan ey soo qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab iyagoo kusoo qaaday maleeshiyada Xisbul Islaam ee ey horay uga soo saareen magaalada.
Lama hayo wali qasaaraha ka dhaqay dagaalkan iminka socda, waana kii labaad oo magaalada Kismaayo ka dhaca mudo labo maalmood gudohood.
Doraad ayey aheyd markii kooxahani ey isku fara saareen gudaha magaalada Kismaayo kadib markii ey ku heshiin waayeen maamulka magaaladaasi, waxaana ey taasi keentay in magaalada laga saaro garab ka mid ah kuwii dagaalamaayay.
Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalkan uu u dhexeeyo iyaga iyo shaqsi qas wade ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dhanka kale Xisbul Islaam ayaa iyana sheegay in dagaalkii Kismaayo uu ahaa mid iyaga lagu soo qaaday islamarkaana ey xarumohooda kusoo weerareen maleeshiyaad ka amar qaata Al-Shabaab.
Abaabul iyo hub urursi ayaa shalay oo dhan socday.
Si kastaba ha ahaatee dagaalkani ayaa salka ku haya gacan ku haynta gobolkaasi oo ey labada kooxood ku wada sugan yihiin.
Wixii kusoo kordha kala soco Calanka
Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda