Postby Ducaysane_87 » Thu Oct 08, 2009 6:36 pm
RBC Radio oo Wareysatay Duqa Cusub ee Gaalkacyo C/raxman Maxamuud Xaaji Xasan (Dhageyso) Magaalada Gaalkacyo ayaan waraysi kula yeelanay Xafiiskiisa Duqa Cusub ee Gaalkacyo C/raxman Maxamuud Xaaji Xasan,
Askar Ethopian ah Oo Muwaadin Soomaaliyeed Ka Afduubtay Gudaha Magaalada Gaalkacyo Dhibaatona U Geystay. | read this item Related News
Bukaanada ku dhibaataysan Cisbitaalada Muqdisho oo Codsaday Gargaar iyo Amaan gelin lasiiyo Goobaha Caafimaadka (Daawo Sawiro).
Taliska Booliska oo sheegay in ay Heleen Xoogag Tilmaamaya Weerar Dowladda ka dhan ah.
Gaalkacyo(RBC): Ciidamo ka tirsan Milatariga Dawlada Ethopia ayaa waxaa ay habeenimadii xalay ahayd gudaha u soo galeen magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyaga oo ka kaxeystay gurigiisa mid ka mid ah dadka ku dhaqan xaafada Israac ee magaalada Gaalkacyo.
Ninka ay afduubteen Askarta Ethopia ayaa isaga oo dhaawac aad u liita ah waxaa laga soo helay inta u dhaxeysa Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug iyo deegaanka Bacaadweyn isla markaana magaalada Gaalkacyo u jirta ilaa iyo 60 Km.
Ciidamada katirsan kuwa Milatariga Ethopia ayaa la sheegay in ay weheliyeen dad Soomaali ah xilliga ay howsha afduubka ah ku dhaqaaqayeen kuwaasi oo la sheegay in ay ahaayeen dadka ka yimid Killilka Shanaad ee dhulka Soomaali galbeed oo iyagu dadka qaar ay sheegeen in ay ahaayeen dad yaqaaney halka ninka la weeraray uu ka deganaa Magalada Gaalkacyo.
Lama yaqaan sababta dhabta ah ee ka dambeysa weerarka ninkani dhaawaca ah hase ahaatee waxaa wararka qaar ay sheegayaan in lala xiriirinayo in uu ka mid ahaa ama uu xiriir la lahaa Jabhada ONLF.
Mar aan booqdey Isbitaalka GMC ee duleedka magaalada Gaalkacyo oo lagu dabiibayo dhaawaca ninkaasi ayaan la ii ogolaan inaan arko, sidoo kale waxaan ii suurtoobin inaan helo magaciisa, hase ahaatee Saraakiisha Caafimaadka iyo dad goob joogayaal ahaa xilliga dhaawaca la keenayay ayaa ii sheegay in ninkaasi uu dhuunta ka dhiigayay sida ruux bireysan, isla markaana la tuhun san yahay in lagu ceejiyay silig.
Si aan xog faahfaahsan uga helo ayaa dadkii arkey qaarkood aan weydiiyay sida ay u arkaan dhaawacaasi waxay ii sheegeen in ay aad uga naxeen isla markaana uga xun yihiin in qof bini’aadam ah sidaa loo jirdilo, waxayna sheegeen in qofkani dhaawaca ah looga tagey sida qof dhintay oo kale oo aan waxba loola harin.
Arintani ay sameeyeen Ciidamada ka tirsan Dawlada Ethopia ayaa waxay dhabar jab ku noqonaysaa maamulka Puntland oo aan lagala idansan dhibaatooyinka ay geysteen Askartaasi, waxayna sidoo kale dhibaato ku noqonaysaa Maamulka Gobolka Mudug oo la daalaa dhacayay ka soo kabashada amaanka Gaalkacyo, iyadoo xilligan ay Ciidamada Amaanku gudaha magaalada ka wadaan dhaq-dhaqaaq amaanka lagu xoojinayo, walow aysan jirin cid ka hadashay ilaa iyo haatan weerarka loo geystay muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool gudaha magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Cawil Maxamuud Cabdi