Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Caqabadaha Furdaaminta U Baahan Ee Horyaala Komishanka Cusub

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Caqabadaha Furdaaminta U Baahan Ee Horyaala Komishanka Cusub

Postby MrPrestige » Sat Oct 24, 2009 1:06 pm

Caqabadaha Furdaaminta U Baahan Ee Horyaala Komishanka Cusub Ee Maanta La Ansixiyey Ee + Sawirada Xubnaha Komishanka

Hargaysa (Oodweynenews)- Xubnaha todobada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland maanta u ansixiyeen mansabka Komishanka doorashooyinka Qaranka, ayaa waxa horyaala arrimo badan oo aad u culus una baahan xil-gushado wax-ku-ool ah.

Komishankan oo noqonaya kii saddexaad ee qabta masuuliyada hawlaha doorashooyinka Somaliland, ayaa waxaa looga fadhitaa inay si dardar leh u bilaabaan hawlahooda, isla markaana inay dhex-dhexaad u noqdaan xisbiyada qaranka ee uu ka dhexeeyo loolaanlanka siyaasadeed iyo ka doorashaduba.



Waxaa kaloo looga fadhiyaa inay hawlaha horyaala ku bilaabaan karti, hufnaan iyo ka-fiirsasho badan oo ay ku dheehantahay aqoon iyo kalsooni, iyaga oo ay hortaalo caqabado badan oo ay ka mid tahay dib-uga-shaqaysiinta hawlihii diwaan-gelinta ee muraga iyo fashilku la soo gudboonaaday, inay la shaqeeyaan khubarada wadanka imanaysa ee ka hawl-gelaysa sixida natiijada diwaan-gelinta.



Waxaa kaloo laga sugayaa muddaynta iyo ka midho-dhalinta doorashada madaxtooyada oo dhawr-jeer dib-u-dhacday, inay soo celiyaan haybadii iyo kalsoonidii lagu qabay komishanka.



Waxaana sida dad badani aaminsan yihiin ay hawlahaas iyo caqabadahaas oo dhan ay kaga tallaabsan karaan iskuduubni, wada-shaqayn iyo iskaashi dhexdooda ah, iyo inay ka kor-maraan caddaadista iyo carqaladaha kaga imanaya xisbiyada iyo qabiilka oo Komishankiin hore ay sheegeen inay ragaadiyeen gudashada wax-qabadkii iyo waajibaadkii looga fadhiyey.




Isku soo wada-duuboo, komishankan cusub ee maanta la ansixiyey ayaa caqabadaha ugu horeeya ee horyaala, waxa ay noqonayaan muddaynta xiiliga ugu munaasibsan ee la qabanayo doorashada madaxtooyada ee inta badan soo jiitamaysay, dejinta istaraatiijayadii qabsoomida iyo hir-gelinta hawlada doorashooyinka, soo saarista liis ku tacaluqa waangelintii codbixiyaasha oo sax ah oo suurta-geliya in la qabto doorasha, soo noolaynta sumcadii iyo karaamadii komishanimo.





C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland

Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 14 guests