Ciidanka Xingalol oo weeraray Wasiir ka tirsan Somaliland oo yimid degmada Xiingalool
Posted to the Web Oct 28, 14:44
Xiingalool:-Ciidamo ka tirsan ciidanka daraawiishta ee xingalol ayaa waxaa ay saaka weerareen masuul ka tirsan maamulka Somalilland oo uu horkacayo wasiir iyagoo soo gaaray degaan ka Xiingalool waxaan wasiirka la socday ilaaladiisa, ciidanka Ilaalada u ahaa masuulka la weeraray oo aan ilaa hadda aan helin magaciisa ayaa la sheegayaa in ay soo gaareen dhaawacyo kale duwan.
Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta iyo kuwa raacsan maamulka Soomalilland ee degaan ahaana ka soo jeeda Gobolka Sanaag ayaa saaka iska horimaad uu ku dhemaray Degaanka Xiingalool , iska hormaadka oo aan sidaas u weynayn ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kale duwan dib ayaan idin kaga soo tabin doonaa warka oo faahfaahsan.




