Galkacyo(AllPuntland)- Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay wali socdaan dagaalo udhaxeeya ganacsatada Waqooyiga ee magaalada Gaalkacyo iyo Maleeshiyaad ka soo jeeda Maamulka Galmudug.
Dagaalada oo bilowday maantadii hore ayaa geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac kala garay labada dhinac, waxaana dhinaca Waqooyiga ee magaalada kaga dhintay dagaalkaasi, sida ay sheegayaan goobaha caafimaadka dad gaaraya 4 qof, halka ay ka dhaawacmeen dad ka badan 20 ruux, sida ay APL usheegeen Saraakiil Caafimaad.
Koonufurta magaalada ayaa wararka laga helayo ay sheegayaan in ay jiraan khasaare, isla markaasna ay dhinteen tiro aan sugneyn oo ah dhinicii ku jiray dagaalka iyo dad shacab ah oo rasaastu haleeshay.
Labada dhinac ayaan wali ka hadlin dagaalka, waxaana Maamulka Puntland ay sheegeen in ay hada ku jiraan dadaalo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dagaaladaasi.
Odayaasha dhaqanka ee dhinaca Koonfureed oo la xaqiijiyey in ay saakada dagaaladan bilaabeen, ayaa sheegay in ay ku jiraan dadaalo ku aadan sidii loo joojin lahaa dagaaladaasi, ayagoo sheegay in aad uga xun yihiin falkaasi.
Maamulka Puntland ee ku sugan magaalada Galkacyo ayaa leh wada xaajoodyo ku aadan xaaladahan soo kordhay, waxa ayna aad uga careysan yihiin talaabadii ay ciidamo taabacsan Galmudug saaka weerarka ugu qaadeen Duqa Magaalada Gaalkacyo C/rixmaan Xaaji Xasan.
Duqa magaalada ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray qarax bam oo saaka lugu qaaday, markii uu hor-socday Shaqaalaha dawladdaha Hoose oo ku jiray dar-dar ku aadan wanaajinta bilicda magaalada Gaalkacyo.
Dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, ayaa lasheegay in aysan galin ciidamada dawladda Puntland ee ku sugan magaalada Gaalkacyo, balse ay galeen oo kaliya ganacsatada magaalada iyo ciidamada dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo oo saaka weerar lugu soo qaaday.




You know so far that we killed alot of Buglanders, yet none on our side were harmed 
