Faroole oo Fashilmay. Absame Soomaali ma ahan? Waxaad heyso bixi!
--------------------------------------------------------------------------------
Published: 1 November 2009
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa yidhi " Soomaalida Kililka 5aad iyo midda NFD ma ahan Soomaali muwaadhiniin ah". KismaayoNews waxey weydiineysaa Soomaalidu waa tee ayaase Soomaali ah. Hadalkan kasoo yeedhey faroole ayaa ahaa mid uu ku difaacayey wiilal 5 ahaa oo Soomaaliyeed oo uu ka iibsadey Tigreega gacantana u galiyey.
Umadda Soomaaliyeed waxey wadaagtey Luuqad iyo diin iyo dhalasho waxeyna waligood inta laxasuusto ahaayeen dad leh hal cadow isku duuban hal waxna ku wada farxa hal waxna kawada naxa. Gumeystayaashii Soomaaliya qabsadey ee ay kuwii caddaa ee saancaddaalaha ahaa ugu horeeyeen Soomaalida inteeda badan waxey kala hortageen waran iyo xabad waxaana la ogyahay inta geesi ee u godgashey.
Ma jirin qof Soomaaliyeed xitaa uu kuwii gumeysiga u kalkaalayay oo beel ahaan geeska loo galiyey. Waxaa la xasuustaa dhibkii Darwiishkii Ina Cabdille Xasan kala kulmey Soomaalidii gumeysiga u gargaarey xilli ay darwiishtu habeen iyo maalinba dagaal joogto ah kula jireen gumeystayaashii.
Markaan ka nimaadno dagaaladii gumeystayaasha lala galay ee wali geeska Afrika kasocda balse ay moodaan iney dhamaadeen, waxaa gobonimadii Soomaaliya u danbeeyey ee la xasuustaa ururkii dhalinyarada ee SYL. Ururka SYL waxaa lagu aasaasey magaalada Jijiga ee dhulka Ogaadeenya.
Dawladdii Kacaaanka ee Soomaaliyeed waxii ugu horeeyey ee ay caasimadda Soomaaliyeed ka taagtey waxey ahaayeen taalooyinkii lagu xusey Soomaalinimada dhabta ah iyo halgankii dhiigga badan ku daatey ee ay hormuudka ka ahaayeen Sayid Maxamed iyo Axmed Gurey iyo Halyeeyadii Xaawo Taako. Faroole miyuu ogyahay saddexdaas muwaadhin meesha ay ku dhasheen?
Xilalkii ugu sareeyey dawladdii Soomaaliyeed waxaa soo qabtey Yamen, Hindi iyo dhabcan Soomaali oo dhan meelkasta oo ay kasoo jeedeen. Waxaa madaxweyne ka ahaa Maxamed Siyaad Barre oo la ogyahay inuu ku dhashey meel u dhaw magaalada Shilaabo ee gobolka Ogaadeenya.
Lama tirin karo inta halyeey ee naf iyo maalba ku weydey Soomaalinimada iyo difaaca dalka maanta kala qaaran. Dad baa jira Soomaaliyeed oo dagganaasho iyo gumeysi ka doortey dagaal iyo iney kalimada illaahay kor u qaadaan sharafna ku noolaadaan.
Laga soo bilaabo dawladdii Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Middii Aadan cadde, Middii Siyaad Barre iyo dhamaan kuwii la malmaluuqey ee ka danbeeyey oo dhami waxey ka sinnaayeen hal arin ah oo aheyd Soomaalinimada. Soomaalinimadu waa mid micno badan oo diin, Af, dagaan iyo dhaqan xanbaarsan.
Faroole waxuu si cad oo gardaro ah ku damcey inuu beelaha Soomaaliyeed qaarkood ka saaro Soomaalimada waa haddii uu awood u yeelan lahaa. Waxuuse Illoobey faroole in dhamaan qabaailka Soomaaliyeed ay dagaan NFD iyo Ogaadeenya. Waxaa hadda xukuumaddiisa ku jira wasiiro ku dhashey dhulka Soomaaligalbeed oo asal ahaan halkaas kasoo jeeda haddii wax garad jiri karo.
Colaadda uu muujiyey Faroole way caddahay waxeyna ku wajahan tahay mid uu ku haminayo in beelaha qaarkood oo Soomaalinimada laga saaro ay sad bursi u tahay. Balse waxaan leenahay Faroole adeer waxaad heyso uun bixi waxaadan heynin awoodna u lahayna waxba ha isku mashquulin. Soomaalida Ogaadeenya iyo midda NFD iyo guud ahaan Soomaalida dhabta ah ee Soomaalinimada jecel ee dhiig iyo dheecaanba u hurey diintooda iyo dalkoodaba way arkaan maqlayaan ogyihiinna.
Qancinta Zenaawi iyo gadashada wiilal Soomaaliyeed ma ahan mid taariikhda si fudud looga tirtiri doono ee waana mid buugga gashey.







