Postby edleh » Thu Nov 05, 2009 12:01 am
Sxb xalku aad buu fudud yahay, balse waxaa haddana xoogan ama adag sidii loo heli lahaa dad u heellan samatabixinta diintooda, dalkooda iyo dabcan dadkooda. Hadda Somalida waxaa aad ugu batay Danaysiga & Danaystaha ku nool indha la'aanta. Marka si loo gaaro xaajo wax ku ool ah waa in horta dadka noocaas ah meel la iska saaro. Ku darso oo, beryahaan ama aan iraahdee, xilliyadan dambe Somalida, sidii lagu yiqiinay, waxay hadalkii hataataca ahaa ku sii darsadeen Qalin la qaato oo Shaashaddaha lagu soo daabaco warbixino, maqaalo iyo qoraallo dhaadheer oo la leeyahay waxay tilmaan ka bixinayaan sidii Xal loogu heli lahaa Dalka Soomaaliya. Ma xuma, balse taasi ma ahan mid baahi bax keenaysa. Waxa ka wanaagsan iyada oo lala yimaado FICIL iyo Wax Qabad la taaban karo oo ka hufan duldulleel iyo dhacdhac guracan. Kaas ayaa ah mid dad iyo duunyaba lagu badbaadin karo