Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ceerigaabo: Dugsiga Sare ee XaaJi Aadan Oo Lagu Daray Qayb L

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Ceerigaabo: Dugsiga Sare ee XaaJi Aadan Oo Lagu Daray Qayb L

Postby Ducaysane_87 » Sun Nov 15, 2009 6:58 am

Ceerigaabo: Dugsiga Sare ee XaaJi Aadan Oo Lagu Daray Qayb Lagu Barto Information Tech.

Ceergaabo(SanaagNews)-Xarun cusub oo loogu magacdaray {X.Aadan Multi Service Center} ayaa dhowaan laga furay Magaalada Ceerigaabo
Xaruntan cusub ayaa noqonaysa mid hoos timaada Maamulka Dugsiga sare oo ku taala Badhtamaha Magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa hirgelinteeda iska kaashaday Maamulka dugsiga sare ee XXaaji Aaadan, Wasaarada Waxbarashada iyo Gudiga Horumarinta Gobolka,
waxayna ardayda dugsigaasi ka barandoonaan qaybaha kaladuwan ee Cilmiga Computerka iyo weliba Adeegyo kale oo kala duwan oo loogu talo glay in kor loogu qaado tayada Aqoonta ardayda waxka barta dugsiga
waxaana qalabka ay xaruntasi ku shaqaynayso hore ugu deeqay Jaaliyada Reer Sanaag ee Debeda ku dhaqan
qalabkaasoo isugu jireyMini-Bus Computero iyo qalabka loo isticmaalo Laabka dugsiga
iyo weliba qalabkale oo kala duwan oo ardayda ka caawinaya xirfadahooda aqooneed sida Chemicals aad u fara badan
waxaana xaruntaa laga furay badhtamaha Magaalada oo aad uga fog dugsiga sababta oo ah korontada oo aan la gaadhsiinkarayn Xarunta Dugsiga. Dugsiga Xaaji Aadan oo ah Dugsiga ardayda ugu badani dhigato ayaa waxaa jira Dugsiyo kale oo Magaalada ka furan , inkastoo kuwaasi yihiin kuwo gaar loo leeyahay.





Isku soo wada Duuboo dhowaanahan waxaa Magaalada Ceergaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ka socday Dedaalo aad u fara badan

oo ay ku baraarugeen dadka ku dhaqan magaaladaasi, inay wax qabsadaan intii ay cid kale sugi lahaayeen , waxaa ilaa haatan wax laga qabtay ama dedaaladoodu socdaan

iyado aan la dhamays tiri karin baahiyaha gobolka ka jira Sida Biyaha , Caafimaadka oo laga dhisay Cusbitaal casri ah, iyo dabcan Waxbarasho ila aheer Jaamacadood leh

Iyadoo inbadan la hadal hayay in Dadka Qurba joogta Reer Sanaag meel wayn hawlaha iskaga beegi doonaan ayan ilaa haatan laga hayn taageero wax ku oola marka laga yimaado Qalabka haatan lagu hirgaliyay Xarunta Xaaji Aadan Multi Service Center.






Weriye Siciid Axmed Tamreyse
Email: sanaag74@hotmail.com
Ceerigaabo Sanaag Somaliland.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 0 guests