Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Saylada burco oo ay buux dhaafiyeen xoolaha ka imanaya 5ta s

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Saylada burco oo ay buux dhaafiyeen xoolaha ka imanaya 5ta s

Postby Ducaysane_87 » Fri Nov 20, 2009 8:03 am

Sayladda magaalada Burco ayaa todobaadkii u danbeeyay la ciirciiraysay Xoolaha ka kala imanaya gobolada Somaliya, Puntland, Kililka Shanaad ee Itoobiya iyo kuwa ka yimaada gobolda Somaliland ee dhinaca Bari.


Sayladda Burco oo ah Saylada ugu weyn sayladaha Somaliland oo suuqeedu xaami-noqoay muddadii ka dambaysay xilligii ay dawlada sucuudigu xayiraada ka qaaday xoolaha Somaliland iyo kuwa Somaliyaba, iyo bishii Arafo oo bilaabanaysa ayaa waxa buux dhaafiyay Saylada Xoolo badan oo ka kala yimi jahooyin kala duwan. Waxa sidoo kale u shaqo-tagay Kumanaan Qof, Gaadiid fara badan oo ah noocyada xoolaha qaada iyo kuwa keenay Adhiga.

Xoolahan tirada badan ee buuxiyay Saylada Burco oo isugu jira Wanan iyo Orgac. Wariyaha Ramaasnews ee Burco Mahad C/laahi Faarax Booqasho uu ku tagay Saylada Burco waxa uu idhihiisa ku arkay, inay adhigaas si weyn u gadanayeen Shirkaddaha Indhadeero, Aadan Baradho, Ina Quule iyo Jeeblayaal tiro beelay, kuwaas oo dhamaantood xoolaha ka iibsanaayay noocyadooda kala duwan ,Yaryarka iyo Waawaynka, Qiimo sare oo u dhexeeya ilaa $50 Doolar ilaa $60 Doolar, kaas oo kaash lagu kala qaadanaayay.

Dhinaca kale, dawlada Hoose ee magaalada Burco ayaa iyana maalmahan saylada Xoolaha ka wada Ololayaal balaadhan oo isugu jira wacyigalino ay dadka Ganacsatada ah iyo kuwa kale ugu sheegayaan in ay Saylada ku soo dhaweeyaan dadka ganacsatada ah ee xoolaha ka keenaya Koonfurta Somaliya iyo kuwa Puntland, isla markaana ay dhawraan nadaafada iyo Cashuur ururinta.
Guddoomiye ku-xigeenka golaha deegaanka Burco Axmed Cabdi Falay oo hawlahan dawlada hoose ka wado Saylada Burco uga waramay Shabakadda Ramaasnews ayaa Ganacsatada Xoolaha iibsata ka codsaday Adhiga ay iibsanayaan in ay ugu horaysiiyaan kuwa ka yimi taraagyada dhaadheer, isla markaana waxa uu usoo jeediyay dadka kalena in ay soo dhaweeyaan dadka Xoolahooda usoo iibgeeyay magaalada Burco kuwaas oo uu sheegay in ay ku soo hirteen nabada ka jirta Somaliland.

Waxa kale oo uu Axmed Cabdi falay usoo jeediyay Ciidamada kaantaroolada laamaha dawlada ee ay qusaysoba in ay si deg-deg ah u siidaayaan xoolaha lagu soo cashuuray degmooyinka ka baxsan Degmada Burco si ay dhakhso ugu dhoofaan una tagaan magaalada Barbera.

Ugu dambayntii iibsigan xoolaha ku yimi mudadii ay xayiraada ka qaaday Dawalad sucuudigu iyo bishii Arafo Oo isgalay ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga suuqyada magaalada Burco ee Caasimada gobolka Togdheer kaas oo ay hore u saamaysay xayiraadii saarnayd xoolaha wakhti laga joogo 12 Sano.

Waxa sidoo kale isbadal wayn laga dareemay hoos u dhaca sarifka lacagaha qalaad ee suuqyadda Burco mudaddii adhigu furnaa isagoo markii horena hoos u dhaci ku yimi bilihii ina soo dhaafay.



Image




Image




Image



Image

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 57 guests