
Ciidamo aad u hubaysan oo Tigree ah oo gaaray magaalada Gaalkacayo iyo shacabka ku nool magaaladaas oo cabsi ay soo food saartay
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Gaalacyo ayaa aad uga argagaxsan ciidamo tirada badan oo Tigree ah oo soo galay gudaha Gaalkacyo maalmihii ugu dambaysay.
Ciidamadaan Tigreega ah ayaa waxaa ay ku suganaayeen magaalada Gaalkacyo dhawrkii maalmood ee ugu dambaysay ayada oo sidoo kalena saxaafada loodiiday in ay ka ag dhowaadaan goobaha ay ciidamadaasi saldhigyada ka samaysteen iyo in ay wax sawir ah ka qaataan.
Ciidamadaan ayaa waxaa la sheegay in ay dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo uusan weli jirin wax war ah oo arrintan la xiriira oo ka soo baxay maamulka gobolka Mudug.
Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in ay u yimaadeen in ay xoog ku kaxaystaan dad lagu tuhunsanyahay in ay ka danbeeyeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Dadweynaha ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa soo food saaray walaac fara badan ka dib markii ay soo galeen magaaladaasi ciidamadaanTigreega ah oo wata ilaa todobo gaari oo ah baabuurta dagaalka ee gaashaaman ayna weylinayaan gawaari yaryar ah, Shalay ayey ahayd markii ugu horaysay ee ciidamadaan lagu arkay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Mahan markii ugu horeysay oo Ciidamo Tigree ah ay soo galaan Magaalada Galkacyo, waxaana badanaa ay qafaashaan dadka ka soo jeeda Gobolka Somali Galbeed iyo Culumada ku nool degaankaasi.
http://www.somalimemo.com/index.php?opt ... Itemid=148




