Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Haweenka Burco oo u Halgamaya Hogaanka Siyaasadeed

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Haweenka Burco oo u Halgamaya Hogaanka Siyaasadeed

Postby MrPrestige » Thu Dec 10, 2009 10:13 am

Image

Hargaysa,(Qarannews)-Aqoon-isweydaarsi soconaya mudo 3 cisho ah oo lagaga hadlayo siday haweenka u fahmi lahaayeen maamulka iyo inay weliba ka qayb qaataan hogaaminta siyaasada ayaa manta laga furey Hotel City Plaza oo ku yaala Magaalada Burco.

Aqoon-isweydaarsigan oo ay ka qayb galeen in ka badan 30 Haweena isla markaana ay fulinayso xarunta Akadeemiyada Nabada iyo Horumarka ee Hargeysa iyo Burco waxaa ujeedada ugu weyn ee laga lahaa ay tahay sidii haweenka loogu dabaali lahaa inay door muuqda ku yeeshaan dhinacyada Maamulka iyo Siyaasada.

Isuduwaha Wasaarada Qoyska Caasha Cali Qabile oo ka hadashay aqoon-isweydaarsigan ayaa waxay ugu baaqday haweenka Somaliland inay midoobaan siday u dabooli lahaayeen dayaca ka haysta hogaanka maamulka iyo siyaasada waxaa kale oo xustay in Wasaarad ahaan ay garab taagnaan doonaan.

Ifraax Maxamed Cabdi oo ah Sarkaal ka socda waaxda lamaanaha ee Akaadeemiyada oo ka hadlaysay aqoon-isweydaarsigan ayaa waxaa ay xustay in la gaadhay xilligan in haweenka cududooda u midayn lahaayeen doorna ka qaataan dhinacyada siyaasada.

Haweenaydani waxaa kale oo ay xustay in aqoon-isweydaarsigan uu fure u noqon doono siday haweenku u abuuri lahaayeen dalad kulmisa, mabaadiidooda, gaar ahaan dhinacyada horumarka iyo siyaasada, sidoo kalena Kinsi Faarax oo ah haweenayda u qaabilsan lamaanshaha Xafiiska Akadeemiyada Burco ayaa iyaduna waxay xidhitaankan ka sheegtay in haweenka ka qayb galay aqoon-isweydaarsigan oo laga soo xulay asxaabta Qaranka, Ururada Wadaniga ah, Haweenka Gurya jooga ah, iyo weliba kuwa Ganacsatada ah ay ka soo saareen xidhitaanka baaq loo jeedinayo haweenka Somaliland inay noqdaan awooda keliya ee wax qaban kara .

Haweenaydani waxaa kale oo ay cadaysay inay haweenku isla qaateen in doorashooyinka soo socda ee ka dhici doona Somaliland ay door muhiima ku yeelan doonaan, aqoon-isweydaarsigan oo lagaga hadlayo dhiiri gelinta haweenka ee dhinaca siyaasada ayaa waxaa uu salka ku hayaa loolan xoog leh oo ay xilliyadan danbe haweenku ugu jiraan inay saami ku yeeshaan kuraasta loogu taliyo goloyaasha Somaliland.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 15 guests