Worste thing in life is to be killed in cold blood and be blamed in your death for having committed something evil.Sawir cusub oo laga hellay wiil deganaa Danmark oo ku dhintay Qaraxii ka dhacay Hotel Shaamow Posted to the Web Dec 16, 07:19
[/img]
Copenhagen:-Mohamed Gelle oo ah afhayeenka dalada Soomaalida ee Danmark ayaa waxaa shalay uu hellay sawirka wiil Soomaali ah oo deganaa dalka Danmark oo ku dhintay qarax la sheegay in uu ka dhacay Hotelm Shaamow , wiilka oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan ayaa waxaa saxaafada qaar ay sheegeen in uu ahaa qofkii qarxiyey Hotel Shaamow walow aysan soo bandhigin cadaymo , ciidanka Sirdoonka Danmarka ayaa sidoo kale ilaa hadda soo bandhigin wax cusub marka laga reebo in ay og yihiin wiil soomaali ah oo deganaa dalka Danmark oo ku dhintay qaraxii ka dhacay Hotel Shaamow.
Ciidanka Sirdoonka Danmarka ee loo yaqaan PET ayaa waxaa ay wadaan baaritaano ay ku raadinayaan xog dheraad ah walow aysan weli saxaafad wax xog dheeraad ah u soo bandhigin.
Halkaan ka fiiri qoraalka oo af deenish ah Dr1
Afhayeenka dalada Soomaaliya ee Danmark Mohamed Gelle ayaa sheegay in uu shalay hellay sawirkaan isagoo sawirkaan uu u soo diray qof uusan aqoon waxaan uu qofka sawirka soo diray sawirka soo raaciyey qoraal ah wiilka miyaa wax qarxiyey mise isaga ayaa dhibane ku dhintay ah qaraxa waa sida uu Mohamed Gelle u sheegay
saxaafada danmarka gaar ahaan DR2
Mohamed Gelle ayaa sheegay in uu jiro shaki badan oo ku aadan wiilka isagoo shaki ka muujiyey in qarax dilay dadka intaas la,eg haddii uu wiilka ka tegay danmarka uu geystay wax jirkiisa inta kore ay u qarxi weyda waa arin shaki leh, sababta oo ah qarax waxaa ku dhintay 24 waxaan ku dhaawacmay 50 kale.
Mohamed Gelle ayaa ka muujiyey arin la yaab ah sababta waardiyaasha Hotelka ay
u helli waayeen wiil bamka intaas la,eg ku soo xirtay goono waase maxay u jeedadad wiilku ama dhalinyaradu ay ka yeelan karaan in ay is qarxiyaan
Mohamed Gelle ayaa waxaa uu xusay in familka wiilka ay ka murugaysan yihiin wiil koodii ka dhintay,xaaska uu qaybay wiilka ayaa weyday ninkeedii waxaan intaas ugu sii darsamay in loo haysto wiilkoodu in uu yahay qofka falka is qarxinta ah geystay.
Mohamed Gelle ayaa cabsi ka muujiyey in arinka wiilkaan soomaaliga ah ee ku dhintay Soomaaliya ay abuuri karto in lagu la kaco dhalinyarada ama Soomaalida midab kala sooc arinkaas oo dhibaato ku noqon karta Bulshad Soomaaliya.
Mohamed Gelle ayaa soo jeediyey in aan la deg degin ee la sugo wax ka soo baxa
baaritaanka inta go,aan ka soo baxayana aan la feer cararin, Mohamed Gelle ayaa xusay in uu jiro khilaaf u dhexeeya Soomaalida oo ku saabsan in wiilku yahay qofka falka is qarxinta gaystay iyo in kale arinkaas oo Soomaalidu ay isku khilaafsan tahay.
AUN
Source





