Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Deeq Raashiin in Kismaayo

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
wadani_2020
Posts: 20
Joined: Fri Nov 13, 2009 8:37 am

Deeq Raashiin in Kismaayo

Postby wadani_2020 » Tue Dec 22, 2009 5:51 am

Talaado, December 22, 2009(HOL): Maamulka wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka ayaa maanta Howlo Raashin qeybin ah ka bilaabeen guud ahaanba Shanta xaafadood ee ay ka koobantahay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.

Howlahani cunno qeybinta ee ay maanta bilaabeen Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in loo qeybinayo dadka barakacayaasha ah ee ku nool Xerooyinka ku yaal qeybaha kala duwana Xaafadaha Magaalada Kismaayo, kuwaas oo mudooyinkii danbe ay la soo daristay Xaalad nolol xumo oo aad u liidata.

Waxaana howlahani Cunno qeybinta ah iska kaashanaya Maamulka Islaamiga ah ee Magalada Kismaayo iyo Hay'ada ICRC ee fadhigeedu yahay Magaalada Kismaayo, waxaana cunooyinkaasi loo qeybinayaa Dadka barakacayaasha ee ku jira Kaamamka ku yaal Magaalada Kismaayo, iyadoona saaka la arkayay xerooyinka ay ku jiraan dadkaasi Barakacayaasha ah oo ay buuxdhaafiyeen Gaadiid aad u fara badan kuwaasoo ay ku rarnaa cunno isugu jirtay Galley, Digir iyo Saliid, waxaana qoyskiiba la sheegay in uu qaadanayo Loor galley, Haaf Digir ah iyo Tobanle Saliid ah.

Sidoo kale howlahaasi cunno qeybinta ah ayaa waxaa si aad u soo dhaweeyay dadka barakacayaasha ah ee ku nool xerooyinka kuwaasi oo sheegay in ay ku faraxsanyihiin howlahani cunno qeybin ee uu maamulku bilaabay, ayagoona maamulka ka codsaday in ay u sameeyaan Musqulo iyo weliba ceelal ay biyo ka cabaan, kuwaasi oo ay sheegeen in aysan heysan, wax musqul ama Ceel ah.

Howlahani cunno qeybinta ayaa waxa ay imaanayaan xilli mudooyinkii ugu danbeeyay dadka barakacayasha ah ay baaqyo kala duwan u dirayeen masuuliyiinta maamulka wilaayada islaaamiga ah ee gobollada jubooyinka, taas oo ay kaga cabanayaan dhibaatooyinka nololeed ee la soo darsay dadkaasi barakacayaasha ah ee ku nool gudaha magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 35 guests